DAAWO: Khaliifa Xaftar oo soo bandhigay ciidan aad u fara badan oo ku hubaysan gantaalo aan horay loogu tuhmaynin

0

(Bengazi) 01 Juun 2021 – Hoggaamiye kooxeedka Khaliifa Xaftar ayaa shalay waxaa uu magaalada Bengazi ee caasimadda 2-aad ee dalka Libya ku qabtay bandhig ciidan oo aan caadi ahayn.

Ninkan oo lagaga adkaaday laguna soo jebiyey dagaal uu horraantii sanadkii hore ku qaaday Galbeedka Libya oo ay ku taallo caasimadda Libya ee Tripoli oo uu qayb ahaan xitaa qabsaday, ayaa haatan soo bandhigay ciidamo aad u fara badan.

Ciidamada uu soo bandhigay oo ku hubaysan agab ciidan oo aad u fara badan una kala geddisan ayaa waxaa ka muuqata inay si wayn u abaabulan yihiin iyagoo xitaa haysta gantaalo waawayn oo uu midkood u eg yahay baalistigga ridada dhexe, iskaadka iyo kuwa Saamka oo dhul ka dhul ah. Qaar baa gaaraya yool ka fog 400 km.

Waxaa sidoo kale maxfalka lasoo mariyey gawaarida abraarrada oo sida taangiyo fara badan oo an nooca Ruush sameega ah ee T-54 iwm.

Lama oga cidda Jeneraalkan ku fallaagoobey Dowladda ay QM aqoonsan tahay ee GNA, kala shaqeeysay agaasinka, tababarka iyo qalabaynta ciidankan, balse waxaa la og yahay in Xaftar oo xukuma ciidamada loo yaqaanno LNA uu taageero ka helo dalal fara badan oo iskugu jira Carab, Faransiiska iyo Ruushka.

Halkan hoose ka DAAWO rigada ciidamadan….

Hadalsame Media