”Waa doorashada Somalia mid ah!” – Nin ka mid ah dadka muraaqibaynaya doorashada Somaliland oo hadlay

0

(Hargaysa) 31 Maajo 2021 – Waxaa maanta Somaliland ka bilowday doorashooyin ay dadku ku xulanayaan metelayaasha maxalliga ah iyo kuwa Baarlamanka maamulkaasi oo 1991-kii sheegay inuu Somalia ka go’ay.

John Githongo, oo ah gayfane ka ololeeya musuqa Kenya kana tirsan muraaqibiinta doorashada Somaliland ayaa qoraal uu Twitter soo dhigay uga hadlay wax uu ku tilmaamay “dimoqraadiyadda hal Somalia ee hoos laga soo dhisayo.”

Ninkan oo Hargaysa kula kulmay MW Muuse Biixi ayaa Twitter-kiisa kusoo qoray sidatan:

”La kulanka MW Biixi-ga Somaliland oo aan Hargaysa ku arkay, maalin kahor la socodka doorashada maxalliga ah ee hal Somalia oo dimoqraadiyadda gunta lagasoo dhisayaa ay u muuqato mid shaqaynaysa!”

Waxaa Somaliland gaarey dad badan oo caalamka ka socda oo ay ku jiraan kuwo madax kasoo noqday dalal African ah sida Madaxwaynihii hore ee Siera Leone.

Hadalsame Media