”Turkigu wuxuu Libya ku adeegsadey hub kaligii go’aan gaaraya oo aan horay abid dagaal loogu arag!” – QM oo kashiftay arrin dunida ka qarsanayd

0

(New York) 31 Maajo 2021 – Warbixin ay haatan soo saartay QM ayaa lagu sheegay in daroonno iskood u socda oo ay ku rakiban yihiin walxaha qaraa ay mid mid “u ugaarsadeen” malliishiyaadka Khaliifa Xaftar sanadkii hore, taasoo ka dhigan in markii ugu horreeysey taariikhda dagaal loo adeegsadey daroonno robot ah oo kaligood go’aan gaaraya.

Sida ku cad warbixintan QM, dagaalyahannada LNA ayaa xilligaa ka guranayey magaalada Tripoli bishii Maarso kaddib markii ay ku jabeen isku day ay ku doonayeen inay ku qabsadaan caasimadda Libya.

Yeelkeede, markii ay banka u bexeen waxaa lagu soo diray daroonno iyo “hub kaligii is hagaya oo halis ah” kaasoo marka hore lagu soo barnaamijeeynayo inuu kaligii bartilmaameedkiisa raadsado kaddibna weeraro, isagoo deeto go’aankaa uun ku soconaya xitaa haddii la jaro isgaarsiinta isku xiraysa isaga iyo taliskiisa dhexe.

Ciidamada Xaftar ayaa sheegay inaysan “qabin tababar ay iskaga difaacaan aaladahan taasoo keentay inay u cararaan qaab aan abaabulnayn oo is barbar yaac ah,” sida warbixinta ku qoran.

Waa markii ugu horreeysey taariikhda ee la adeegsado tiknolojiyaddan suurtagelisey in robotyo madax bannaan oo kaligood is hagayaa ay goob dagaal ku weeraraan insaanka, waloow aan warbixinta lagu faahfaahin heerka ay gaarsiisnayd awoodda is hagis ee daroonnadan.

Daroonnadan ayaa loo yaqaan “loitering munitions,” waa kuwo inta badan leh afar marawaxadood mararka qaarna sidii gantaal loo gani karo, isagoo sida kaamiro iyo wax qarxaya, waxaana marka goobta dagaalka la geeyo uu cirka kasoo tusmaysanayaa bartilmaameedkiisa, isagoo kaddib hawada soo quusaya si uu iskugu qarxiyo bartilmaameedka u suntan.

Midkan Libya lagu adeegsadey waa ‘Kargu-2’ kaasoo ay Ciidamada Libya siiyeen Turkiga oo xulufo la ah Dowladda ay QM aqoonsan tahay ee Tripoli ee JNA (Government of National Accord), taasoo ay QM sheegtay inay jebinayso qaraarkii Golaha Amaanka ee 2011 oo mamnuucayey in hub la siiyo ama laga gado Libya.

Si kastaba, waa waa cusub oo u baryey hubka is wada ee adeegsada waxa loo yaqaan ”Caqliga Macmalka ah” ee loosoo gaabiyo AI, iyadoo uu Turkigu, dalka 2-aad ee ugu ciidan badan NATO, haatan kusoo baxayo cudud dhankaana ku horreeysa.

Hadalsame Media