Weriye caan ah oo ESPN ka tirsan oo si xun ugu digtey kooxda Manchester City (Muxuu yiri?)

0

(Porto) 31 Maajo 2021 – Kooxda Chelsea ayaa xalay hanatay koobka Champions League, tiiyoo kooxda Pep Guardiola ee Manchester City loo asteeyey inay ahayd kooxda cad cad, maadaama ay doonaysey koobkii 3-aad kaddib labaaleeydii maxalliga ahayd ee Premier League iyo League Cup.

Kooxda City, oo aan abid qaadin koob wayn oo Yurub ah taariikhda, ayaa weli sidaa ugu jiri doonta sugaalka dheer ee guusha qaaradeed ee aadka loo wada jecel yahay, sida PSG oo ah koox kale oo ay leeyiiin Carabta Khaliijku.

Yeelkeede, waxaa City oo dhaawaceeda leefaysa cusbo kasii mariyey weriyaha caanka ah ee Ricardo Ortiz, oo ah mid wejiyada ESPN, kaasoo ku sharatamaya in AC Milan oo Champions League 7 sanadood ka maqnayd balse sanadkan kusoo laabanaysaa ay guusha koobkan uga hormari doonto Manchester City, PSG iyo xitaa Juventus. Juve koobkan ma urin tan iyo 1996-kii.

Yeelkeede, in Milan oo CL qaadda sanadahan yar ee dhow la rajeeyaa waa filasho saa’id ah, gaar ahaan xilli ay kooxda Mr. Pioli geli doonto Dheriga 4-aad maadaama ay muddo koobka ka maqnayd, taasoo kordhinaysa fursadda ay ku geli karto waxa loo yaqaan ”Guruubka Dhimashada” iyadoo aan sidoo kale waaya arag ahayn koox ahaan, xitaa haddii ay naadi ahaan koobka qaadday 7 jeer.

Hadalsame Media