(Hadalsame) 29 Maajo 2021 – Waa qoraal ku saabsan sheeko maad badan oo ka hadlaysa farqiga u dhexeeya hab-dhaqanka lamaanaha guurka ka hor iyo kaddib, waloow aysan khasab ahayn inay lamaane kasta noocaan noqdaan, misna waa arrin dhacda.
Isaga: “Xabiibti?”
Iyada: “Hee macaane”
Isaga: “Marka aad xaaskayga moqoto, galab kasta meelahaa beeraha ayaan ku soo wareejin lahaa.”
Iyada: “Ilaahay ha igu kaa simo xubbi”
Isaga: “Aamiin xayaati. Ilmaha marka aad dhashana habeenkii aniga u soo jeedi lahaa dabadeed adiga oo hurda ayaan ku daawan lahaa.”
Iyada: “Alla qalbi sidee baan u seexan karaa adiga oo soojeeda?”
Isaga: “Waynu is beddelaynaa oo inta aan maalintii shaqada ku maqan ahay baad haynasaa ee habeenkii ii seexo xubbi.”
Iyada: “Ax! Bes haddaba xabiibi.”
Isaga: “Miyaad xanuunsanaysaa maxaad axda la haysaa qaali?“
Iyada: “Maye bbe ee marka aad hadalladaa i tidhaahdo baa qalbiga la i dhufanayaa.”
Isaga: “Waan ku jecelahay honey.”
Iyada: “Ilaahay cadaw kale iyo naagba igama kaa tuso.”
Bil kaddib guurka:
Isaga: “Naa macaawistaydii ii dhiib bal.”
Iyada: “Orod halkii aad saaka dhigatay ka eego dee miyaannu kula xidhnayn?”
Isaga: “Maxaad ka dhex qabanaysay guriga,,haddii aanad ka shaqayn oo aanad meel dhigin?”
Iyada: isaga uma ay jawaabine iyada oo hoos u gunuusaysa; “Macaawistaydii ii dhiib uun buu af Soomaali ka bartay….uf, ilmahan sanka dheer baan iska dhex arkay anna.”
Isaga: “Qado i sii bal, naagtaadani malaha meel kalaa lagaaga yeedhayaaye.”
Iyada: “Qadaba maan karin oo hooyo ayaa xanuunsanaysay.”
Isaga: “Hooyo aa? Hooyadaa miyaanay Dubay joogin?”
Iyada: “Haddii ay joogto miyaanay hooyaday ahayn cadaw yahow?”
Isaga: ” Waar bal amuurtan eega huunayaal!! Sidee loo hayaa hooyo markaa?”
Iyada: “Lafagaraac baa haya baa la yidhi oo illaa xalay way cabbudhsanayd.”
Isaga: “Yaaaa? Oo maxaad ii la soo hadli wayday oo ii odhan wayday suuqa ka soo qadee inta aanan suuqa ka soo bixin?”
Iyada: “Oo xanuunka hooyadayba dan kama lihide qadadaada ayaad ka fikiraysaa miyaa? Warqaddayda iminka i sii waryaa eyahow, meel aan dadkayaga laga doonayn in aanan joogayn baa wallaahi ahe.”
W/Q: Khadar Cabdi Cabdillaahi
Hadalsame Media