CL FINAL: Falanqayn ku saabsan ciyaarta Man City iyo Chelsea (Safafka ay caawa kusoo geli karaan)

0

(Porto) 29 Maajo 2021 – Waxaa caawa dhamaadka Champions League ku ballansan kooxaha Ingiriiska ah ee Manchester City iyo Chelsea oo haatan ku wada sugan magaalada Porto si ay middoodba u rajayso ribixa ugu wayn koobabka heerka kooxeed.

Wiilasha Pep Guardiola sahal kuma imanin oo waxay nus-dhamaadka kusoo dileen kooxda Paris Saint-Germain out, halka wiilasha Thomas Tuchel ee Chelsea ay turuq u sheegteen kooxda koobkan ugu wayn ee Real Madrid.

Waxaa caawa garoonka ka sacbin doona 16,500 oo taageere waloow ay tiradaasi aad uga yar tahay qaadka guud ee Estadio do Dragao cudurka Covid-19 dartii. City waxay doonaysaa inay dhegawayne janjalka qabsato markii ugu horreeysey taariikhdeeda fog ee uu fowsku ku yahay. Halka Chelsea ay doonayso inay jarrib u noqoto sidii 2012-kii.

Dhanka kale, City waxay hidde u leedahay inay kufto habeennada muhimka ah ee qaaradda Yurub. Taariikhiyanna tan iyo 2000, 7-dii kooxood ee CL final-kiisa ku cusbaa waa laga badinayey, balse waxay doonaysaa inay markan muujiso inay caqabaddaa taariikheed ka tillaabsan karto.

Kooxda Tuchel oo woxoogaa dhanka Yurub uga waayo aragsan City ayaan dabcan calanka cad ee nabadda taagi doonin, waxayna qorshaynayaan inay sii dheereeyaan sugitaanka Guardiola ee guul uu Yurub kula gaaro kooxda Manchester City oo lafteedu caawa cad cad.

SAFAFKA SUURTAGALKA AH EE LABADA KOOXOOD:

Manchester City XI (4-3-3): Ederson; Walker, Stones, Dias, Zinchenko; Gundogan, Rodri, Bernardo; Mahrez, De Bruyne, Foden

Chelsea XI (3-4-2-1): Mendy; Christensen, Silva, Rudiger; Azpilicueta, Kante, Jorginho, Chilwell; Ziyech, Mount; Werner

Hadalsame Media

 

Facebook Comments