Jadwalka khudbooyinka xiritaanka Shirka Teendhada Afisyooni (Mid lagu kari waayey madaxda)

0

(Muqdisho) 27 Maajo 2022 – Waxaa maanta lasoo afjarayaa Heshiiskii Wadatashiga Doorashooyinka kaasoo ugu dambayn heshiis lagu gaarey.

Waxaa soo baxay Jadwalka hagi doona shirka iyadoo ay meesha ku qoran yihiin khudbooyinka madaxda Soomaalida iyo kuwa caalamka.

Waxaa markii ugu horreeysey u dhan kuwa ugu sarreeya DF Somalia iyadoo awal ay XF oo qur ihi howsha waddey markii uu shirka hoggaaminayey Madaxwaynuhu.

Waxaa dadka hadli doona ka mid ah mucaaradka iyo Guddoonka Aqalka Sare oo xalay mar suuqa lasoo geliyey xog ku saabsan in uu shirka qaaddacay, taasoo la fahamsan yahay inay tahay sababta ugu wayn ee aanu weli shirku u furmin.

Hal arrin oo ay madaxda Soomaalidu kusii fashilmayaan waa ilaalinta waqtiga, iyadoo aanu shirku ku furmin waqtiga jadwalka ku qoran, sida aanu horayba ugu furmin maalintii loo asteeyey ee 20-ka Maajo.

Hadalsame Media