WAA CUSUB: ”Waxaan samaysanaynaa dayuurado ku shaqeeynaya ”Caqli Macmal ah!” – MW Erdoğan oo sheegay waqtiga

0

(Ankara) 26 Maajo 2021 – Dalka Turkey ayaa doonaya inuu ka mid noqdo dalalka fara ku tiriska ah ee ugu horreeya caalamka ee samaysta dayuurado gebi ahaanba iyagu is wada tiiyoo aanay jirin cid meel kale ka hagaysa sida daroonnada maanta (UAV).

Turkiga ayaa doonaya inay dayuuradohoodu adeegsadaan waxa loo yaqaan ”Caqliga Macmalka ah” (AI), iyadoo uu qorshuhu yahay inay dayuuradahaasi hawada soo galaan 2023, sida uu sheegay MW Recep Tayyip Erdoğan oo hadlayey goor dhow.

Turkiga ayaa horay guul ay xitaa qireen dalalka waawayn ee dunida ka sameeyey dhanka daroonnada dhulka laga hago, taasoo keentay inay dib loo qoro ”istaraatijiyada dagaalka,” sida uu yiri MW Erdoğan oo la hadlayey Xildhibaannada Xisbigiisa AK Party ugu jira Baarlamanka dhexe.

Turkiga ayaa haatan sheegay inay hawada ku jiraan 180 daroon oo  ah nooca Bayraktar TB2 ee dhulka laga hago (UCAVs) kuwaasoo ay isticmaalaan 4 dal oo uu ku jiro Turkey.

Previously, Turkish drone magnate Baykar’s Chief Technology Officer Selçuk Bayraktar said the maiden flight of the prototype of the country’s domestically-made unmanned fighter jet is scheduled for 2023.

Turkiga ayaa doonaya in ay xitaa dayuuradahan adeegsanaya caqliga macmalka ah ay uga maarmaan kuwa qaaliga ah sida F-35 oo uu Maraykanku u diidey inuu ka iibiyo.

Hadalsame Media