Dayuurad ay leedahay British Airways oo daqiiqadihii ugu dambeeyey ku khasbanaatay inay ka weecato hawada dal ay dul mari jirtey + Sababta & Caddaynta

0
main modal image

(London) 25 Maajo 2021 – Duullimaad ay samaysay British Airways ayaa u gooyey gebi ahaanba khadka hawada dalka Belarus sida ka muuqata agabka muujiya dhabbaha dayuuradda.

Dayuuraddan oo caadiyan u socotey caasimadda Pakistan ee Islamabad, ayay ahayd inay dul marto hawada Belarus.

Yeelkeede, ayaa gebi ahaanba hakisay maridda hawada dalkaasi, iyada oo maanka ku haysa wixii ku dhacay dayuuraddii Ryanair ee inta cabsi bambo lagu abuuray kaddibna lagu dejiyey Minsk si loogala dego nin mucaarad ah, sida ku cad digniin kasoo baxday Hay’adda Duullimaadyada Rayidka ah ee UK ee CAA.

Digniinta CAA ayaa weliba la sheegayaa inay soo baxday jeer ay kacday dayuuradda Boeing 777, taasoo keentay inay dul marto hawada Lithuania iyo Latvia kahor intaanay ku khasbanaanin inay Moscow ku degto si ay shidaal uga qaadato.

Hadalsame Media