Wararkii ugu dambeeyey Shirka Teendhada & sida uu rabo Rooble (Qodob la isku khilaafsan yahay & mid faraha laga qaaday)

0

(Muqdisho) 23 Maajo 2021 – Waxaa maalinkii labaad galay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka, kaasoo ay ka qeyb gelayaan madaxda Maamul-goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, isla markaana uu guddoominayo RW Maxamed Xuseen Rooble.

”Ra’isul Wasaaraha wax uu doonayaa intii suuragal ah in la soo koobo qodobbada muhiimka ah ee ay madaxdu kaga xaajoonayaan kulamadoodu si xal ka gaaristoodu ay u fududaato iyada oo maanka lagu hayo isu tanaasul, is qancin walaaltinimo, ahmiyadda koowaadna la siinayo badbaadada shacabka Soomaaliyeed iyo dalka uu aado doorasho leysla ogol yahay oo dhaqso ku qabsoonto.” ayuu yiri Afhayeenka XF, Ibraahim Macallimuu oo sidoo kale sheegay ”in mararka qaar hadii muhiim loo arko in Madaxdu ay ballamo gaar gaar ah sameystaan oo si hoose u wada hadlaan.”

Dhanka kale, waxaa soo baxaya warar sheegaya in arrinta Somaliland, kuwaasoo u kala qaybsan laba kooxood oo ay midi diiddan tahay Isfahamkii Baydhabo ee 16-kii Febraayo.

Waxaa sidoo kale soo baxaya kulamo ay Maamul-goboleedyadu la kala yeelanayaan dhinacyadaasi, iyadoo ay jirto dhaliil ku qotonta sheegista inay caadiyan ku fiican tahay in Maamul kasta uu ka hadlo arrimihiisa isaga u gaarka ah.

Waxaan sidoo kale la guda gelin qodobbadii hore la iskugu hayn jirey, waqtitaynta doorashada iyo go’aaminta kama dambaynta ah ee magaalooyinka lagu kala qabanayo oo ay wararka qaar sheegayaan inay qaar shaqaaqooyin haatan ka taagan yihiin.

Waxaa kale oo aan ilaa haatan muuqanin filasho hore oo ahayd inay shirka kusoo biiraan musharrixiinta iyo bulshada rayidku, balse weli taasi ma dhicin waxayna u muuqataa in arrintaasi aanay hadda caqabad ahayn.

Hadalsame Media