Labada sababood ee ugu waawayn rag & dumar Soomaali ah oo sanadahan dambe dhaqan xumo la taagan baraha bulshada

0

(Hadalsame) 23 Maajo 2021 – Baraha bulshada waxaa ku batay niman iyo dumar Soomaaliyeed oo soo bandhiga dhaqamo Soomaalida ka reebbanaa. Dhaqamadaa waxaa ka mid ah in si tiiqtiiqsi leh loo gu hadlo luqadda galmada iyo xubnaha taranka, waxaa ka mid ah isqaawinta, waxaa ka mid ah fadeexaynta qoyska iyo qofaf kale run iyo beenba, waxaana kale oo ka mid ah balwad bulshada la la hor yimaaddo.

Maxay taasi ku dhacday? Waxaa jira laba sababood:

Ta hore, Soomaalidu, sida bulsho kasta, wax ay lahaan jirtay qiyam iyo xeer qofka dabra oo ka celiya waxa ay dadkiisu ceebta u yaqaannaan. Gaar ahaan qofka Soomaaliyeed waxaa dabar u ahaa tolka, iyada oo ceebtiisu ahayd ceebta tolka oo dhan.

Haddaba kolkii dalkii iyo hannaankii bulsheed dumeen, ee dunida la gu ka la firdhay, qofkii wax uu ka xoroobay ama waayay dabarkii tolka iyo qiyamkii bulsheed, wuuna is ku filnaaday. Dabadeed sida uu doono ayuu u dhaqmay.

Arrinta labaad ee keentay in dad badani baraha bulshada naftooda iyo qoyskooda iyo dadka kaleba ku fadeexeeyaan waa warbaahinta bulsheed (social media) ee qof waliba helay. Qofkii dhibaato balwadeed ku dhacday ee ficilladiisa xukumi kari waayay, qofkii nafsiyad ahaan ama maskax ahaan xanuunsaday iyo qofkii dulmi yaraantii loo geystay gocashadii ka tan badisay, intuba wax ay heleen xorriyadda iyo warbaahinta aynnu qodobka hore ku xusnay.

Weligeedba wuu jiray qof maskax ahaan iyo nafsiyad ahaan xanuunsada oo sidaa u hadla, ama qof maandooriye waalay, laakiin gurigooda iyo qoyskooda ayay ku dhex asturnaayeen, waana tii la dhihi jiray “qoys aan qof u waalani qosol ka ma dhergaan”. Qofkii uun baa imika debedda yimid oo bulshadu wada maqashay.

Wax badan oo xun oo innagu hoos huursanaa oo in la ga hadlo u baahnaa oo dadkaasi ka hadlaanna waa jiraan.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd-yuusuf

Hadalsame Media