DAAWO: Ruushka oo diyaariyey hub culus oo kaligii is wada oo ay ku jiraan gujisyo gaadmo badan + Sawirro

0

(Moscow) 23 Maajo 2021 – Wasiirka Gaashaandhigga, Sergey Shoigu, ayaa sheegay in Moscow ay bilaabayso soo saaris aan caadi ahayn oo ah hub is wada oo kaligii iskii u dagaallami kara, iyadoo aanay askar saarrayn.

Shoigu ma aanu carrabaanin nooc gaar ah, balse Ruushka ayaa horay usoo bandhigay hub casri ah oo noocan ah oo uu ka mid yahay taangiga is wada ee Uran-9, kaasoo uu ku xiran yahay madfac yare 30 mm ah iyo gantaalo kuwa la hago ah oo uu dhinacyada ku sito oo ay wehliyaan qoryo darandoorri u dhaca iyo agab ka caawinaya wax arkidda iyo sahanka.

Waxaa gaadiidka culus ee is wada ee Ruush sameega ah ka mid ah Uran-6. Kaasoo ah gaari gaashaaman oo baldoosar oo kale oo 6 tan ah oo loogu tala galay in jid u falo ciidamada isla markaana uu miinooyinka ka qarxiyo, si wanaagsanna loogu faa’iidey dagaalka Suuriya.

Ciidanka Dhulka ee Ruushanka ayaa sidoo kale dhowaan howlgelin doona tawaangida culus ee T-72 iyo T-14 Armata oo awood u leh inay kaligood howlgalaan si madax bannaan, iyagoo adeegsanaya farsamada cusub ee loo yaqaan Caqliga Macmalka ah (AI), durbana lagu guulaystey inay gartaan bartilmaameedyadii loo asteeyey iyagoo weliba maraya dhul dhib badan oo raf ah ragna aanu saarrayn.

Dhanka Ciidanka Badda, waxaa lagu qalabaynayaa gujisyo is wada oo la yiraahdo Daroonnada Poseidon, kuwaasoo awood u leh inay xambaaraan madaxyada nukliyeerka, kuwaasoo tijaabintooda la bilaabay 2019-kii.

Gujisyadan ayaa leh muuqaallo cajiib ah sida inay ku socon karto xawaare aad u yar iyadoo jiifta gunta hoose ee badda, balse markii la arko awood u leh inay xawaaraha kordhiso iyadoo ka orod badinaysa cadowgeeda.

Waxay sidoo kale awood u leeyihiin inay is qariyaan gebi ahaanba oo ay raadaarka ka dhuuntaan, iyadoo uu Maraykanku durba isha ku hayo walaac uu ka qabo halista uga iman kara gujisyada noocan ah oo xeebihiisa ka ridi kara “weerar sunaami” ah.

Hoos ka daawo taangiga is wada ee Uran-9 oo horay loo tijaabiyey.

Hadalsame Media