Waxaad u baahan tahay tayadan qofeed. (Maxaa kuu huban oo aad ka og tahay MW Farmaajo?)

0

(Hadalsame) 17 Maajo 2021 – 1 – Waxaa jira wax caqliga bani’aadamka gali kara iyo wax aan gali karin. Si caqliga bani’aadamka wax loo galiyo waxa uu u baahan yahay in loo sababeeyo. Sababtu waa waxa isku xiriiriya labo micne iyo ka badan. Marka uu qof kuu la yimaado dood, iskama aamini kartid ilaa uu kuu sababeeyo. Marka ay caqligaaga ka dhaadhacdo ayaad aamini kartaa dooddaas.

Haddaba caqliga dhisan ayaa sidaas u xisaabtama. Qof kasta caqligiisu ma dhisna, taas u lama jeedo caqli xumo, balse waxaan ula jeedaa qofka aan loojiggiisu dhisnayn caqligiisu difaac maleh. Wixii la doono ayaa lagu shubi karaa oo laga dhaadhicin karaa.

Loojiggu waa awoodda lagu kala saaro doodaha saxan iyo doodaha jaban. Loojiggu waa awood caqliyeed oo dabiici ah, balse si ku talagal ah loo hormarin karo. Loojiggu dan kama galo aftahamada, afmiishaarnimada, isbihin bihinta, iyo wax kasta oo doodda lagu xoojiyo; kaliya waxa uu awoodda saaraa saxnaanshaha doodda.

Dad waxaa jira si ku talagal ah dooddooda ugu xoojiya xeelado ku dhisan shucuur, ama qiyamka guud ee bulshada, si ay dhagaystaha u dhego barjeeyaan oo ugu qanciyaan dooddooda. Haddii dhagaystuhu uusan ka dhisnayn loojigga waxa uu u sacab tumi doonaa dood kasta oo jaban.

Waxaa jirta xirfad la yiraahdo feker naqdineed (critical thinking) oo macnaheedu yahay hab fekerka lagu kala saaro saxa iyo khaladka, adiga oo loojigga adeegsanaya. Loojigguna waa wixii caqligalka ahaa. Waxa caqligalka ah iyo waxa aan caqligalka ahayna waxaa kala saara sababaynta (reasoning). Haddaba waxaa jira saddex nooc oo sababayn ah oo loo adeegsado dhismaha doodda (argument). Waxay kala yihiin; sababaynta dhiraandhirinta ku dhisan (deductive reasoning); sababaynta guudaynta ku dhisan (inductive reasoning); iyo sababaynta qiyaasta ku dhisan (abductive reasoning).

1. Sababaynta ku dhisan dhiraandhirinta (deductive reasoning) – waa nooca ugu adag uguna saxan ee wax loo sababeeyo. Haddii aan si fudud u sharraxno, waa in aad dooddaada u celiso xaqiiqo guud oo la isku wada raacsan yahay.

Tusaale ahaan; aadanahu waa mid dhinta. Farmaajo waa aadane. Sidaas darteed Farmaajo wuu dhiman doonaa.

Marka aad eegto tusaalahaan waa dood saxan oo loojig ahaan aan la loodin karin, sababtoo ah waxa ay ku dhisan tahay xaqiiqo la isku raacsan yahay oo ah in aadanuhu uu dhinto. Waa sababta loogu baxshay doodda ku dhisan dhiraandhirinta, waxaa wax laga soo dhiraandhirinayaa xaqiiqada wayn si loo caddeeyo doodda ah in Farmaajo uu dhiman doono. Sheekada kor ayaa laga soo bilaabayaa, deedna hoos ayaa la keenayaa. Doodaha noocaan oo kale ah mar kasta waa sax.

Tusaale labaad; ninka aan waligiis guursan waxaa la yiraahdaa doob. Faarax waligiis ma guursan. Sidaas darteed Faarax waa doob.

Waa tusaale labaad oo muujinaya dood ku dhisan sababaynta dhiraandhirinta. Waxaa la caddaynayaa in Faarax doob yahay, iyada oo loo cuskanayo xaqiiqada ah in ninka aan waligiis guursan loo yaqaan doob.

2. Sababaynta ku dhisan guudaynta (inductive reasoning) – waa nooc sababayn ah oo bilcaksi ku ah noocii hore. Marakan sheekadu waxa ay ka soo bilaabanaysaa hoos, si loo dhiso xaqiiqo guud. Haddaba doodaha noocaan ah waxa ay noqon karaan sax, sidoo kalana khalad ayay noqon karaan. Ma ahan biyo kama dhibcaan sida tii hore oo kale.

Tusaale ahaan; Falasatiiniyiintu waa dad la dhibaateeyay oo dhul boob lagu hayo, kuna garaadsada nolol u dhaxaysa dagaal iyo qax. Deedna Falasatiiniyiintu waxay noqdeen dad geesiyiin ah oo dhagax kula dirira Yuhuudda hubaysan. Sidaas darteed bulsho kasta oo la dhibaateeyo dhulkoodana la boobo waxa ay noqdaan geesiyaal.

Tusaalahaan waxa uu soo bandhigay dood ku dhisan guudayn (inductive reasoning), si loo dhiso xaqiiqo cusub oo sheegaysa in bulsho kasta oo sida Falastiiniyiinta loo la dhaqmo ay geesiyaal noqonayaan. Sax iyo khaladba way noqon kartaa dooddaas, sababtoo ah Falasatiiniyiinta kaliya laguma caddayn karo in bulsho kasta oo la dhibaateeyo ay geesiyiin noqonayaan.

Tusaale labaad; Axmed maalin kasta iskuulka waxa uu yimaadaa toddobada aroornimo. Axmed waa nin wakhtiga iskuulka aad u ilaaliya. Sidaas darteed Axmed birri waxa uu iskuulka imaan doonaa toddobada aroornimo.

Waa tusaale kale oo ah sababaynta ku dhisan guudaynta, khasab ma ahan Axmed in uu birrina yeelo sidii looga bartay. Waxyaabo kale ayaa qabsan kara, sidaas darteed sax iyo khaladba way noqon kartaa dooddaan.

3. Sababaynta ku dhisan qiyaasta (abductive reasoning) – waa nooc sababayn ah oo ah in aad wax aad horey u taqaanay, ama macluumaad aad hayso, aad u adeegsato caddayn, si aad u xoojiso malahaaga iyo qiyaastaada ku aaddan arrin kale oo markaa laga hadlayo. Marakan xaqiiqo guud wax laga soo dhiraandhirin mayo, sidoo kale xaqiiqo cusub lama dhisayo, kaliya waxaa la caddaynayaa in dhacdo hebel ay sababtay dhacdo hebel kale.

Tusaale; marka roobku uu da’o waxaan aragnaa in uu biyo dhigo waddooyinka magaalada. Jaamac oo hurda ka soo kacay ayaa magaalada u soo baxay, wuxuuna arkay biyo waddada waran. Sidaas darteed Jaamac waxa uu ku dooday in roob da’ay.

Doodda jaamac waa suurtagal in ay sax tahay, sidoo kale khalad ayay noqon kartaa sababtoo ah booyad ayaa biyuhu uga daadan karaan jidadka uu Jaamac arkay, ama tuubooyinka biyo galInta qayb kamid ah ayaa dillaaci kara. Sidaas darteed Jaamac waxa uu aaminay in roob da’ay isaga oo adeegsanaya aqoontii hore ee uu u lahaa in roobku jidadka biyo dhigo.

Tusaale labaad; Cali iyo Guuleed ayaa xaafad wada daggan. Cali ayaa daaradda guriga ku arkay in casho ay wada cuni jireen la dhammaystay, oo xeeradii oo eber ah meel gorofsan tahay. Cali waxa uu aaminay oo ku dooday in Guuleed uu caawa cashadii ka dhammaystay, maadaama aysan jirin cid kale oo furaha guriga haysa marka laga reebo xaafadda cashada keenta.

Doodda Cali waa suurtagal in ay sax tahay, haddana waxa macaquul ah in ay khalad tahay oo tuug guriga u soo dhacay, cashadiina uu cunay, Guuleedna uusan arag cashadaas. Haddaba doodda Cali waxa ay ku dhisan tahay sababaynta qiyaasta.

***
LAYLI

1. Dhis hal tusaale oo ah dood ku dhisan sababaynta dhiraandhirinta.
2. Dhis hal tusaale oo ah dood ku dhisan sababaynta guudaynta.
3. Dhis hal tusaale oo ah dood ku dhisan sababaynta qiyaasta.

La soco qaybta labaad iyo dhismaha doodda….

Waxaa Qoray: Maxamed Jaarlees

Hadalsame Media

 

Facebook Comments