3 arrimood oo ahmiyad wayn oo ruuxi ah u yeelaya magaalada Quddus

0

(Hadalsame) 12 Maajo 2021 – Maalmihii la soo dhaafay waxay xiisad ka taagnayd masaajidka Al-Aqsa oo u dhexeysay Muslimiinta Falastiiniyiinta ah iyo askarta Israa’iil. Dad badan oo Falastiiniyiin ah iyo askarta Israa’iil ayaa ku dhaawacantay. Booliska Israa’iil ayaa ka mid ah kuwa dhaawacmay.

Intooda badan waxay ku dhaawacmeen Masjidka Al-Aqsa, halkaas oo booliiska Israel ay ku ridayeen rasaas cinjr ah ah iyo bam gacmeedyo iyadoo Falastiiniyiintuna ay tuurayeen dhagxaan iyo dhalooyin.

Waddamada caalamka qaarkood ayaa ku baaqay in la dajiyo xasilooni darrada ka dhex aloosan Israa’iil iyo Falastiin oo faraha ka sii baxaya.

Mareykanka, Midowga Yurub iyo Britain waxay Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ugu baaqeen inay xaaladda si dhaqsa ah u qaboojiyaan.

Xiisadda ayaa ka sii dartay habeennimadi Isniinta kaddib marki ay Falastiiniyiinta ay gantaallo ku soo tuureen magaalada qeybaha ay ka degenyihiin Israa’iiliyiinta.

Israa’iil oo jawaab uga dhigeyso gantaallada dhanka Falastiin laga soo riday waxay qaadday duqeymo dhinaca cirka ah, iyada oo duqeynta ku beegsatay saldhigyo ay kooxaha Falastiiniyiinta loo maleynayo iney gantaallada soo rideen.

Haddaba, sida guud maxay tahay muhiimadda ay Islaamka, Yahuudda iyo Masiixiyiinta u leedahay magaalada Qudus. Seddaxna Diin ba waxay wadaagaan in ay ku xiran yihiin Nabi Ibrahim (CS).

Israa'iil waxay magaalada Qudus u aragtaa caasimad aan qeybsamin, balse Falastiin waxay aaminsan tahay in bariga Qudus ay tahay caasimaddooda.

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Qoraalka sawirka,Israa’iil waxay magaalada Qudus u aragtaa caasimad aan qeybsamin, balse Falastiin waxay aaminsan tahay in bariga Qudus ay tahay caasimaddooda.

Qudus (Jerusalem) – waa magac ay maamuusaan Muslimiinta, Yahuudda iyo Masiixiyiinta, waana goob muddo qarniyo ah uu ka taagan yahay khilaaf la xiriira lahaanshaheeda.

Muslimiinta waxay u garanayaan Al-Qudus, halka Yahuuddana ay u yaqaanaan Yerushalayim. Waa mid ka mid ah magaalooyiinka ugu qadiimisan caalamka. Marar badan ayaa la kala qabsaday, la burburiyay, dibna loo dhisay. Qeyb kasta oo ka mid ah waxay u taagan tahay taariikh hore.

In kastoo dagaallo badan ay ka dheceen Qudus, haddana goobaha cibaadada ee diimahan kala duwan, way isku xushmeynayeen, wayna ka mideysnaayeen taa.

Waxaa xuddun u ah qeybta qadiimiga ah. Jidadkeeda ciriiriga ah iyo dhismeyaasha taariikhiga ah ee afarta u qeybsan – Muslimiinta, Masiixiyiinta, Yahuudda iyo Armenian-ka. Waxaa qeybtaas ku wareegsan gidaar, waxaana ku yaalla qaar ka mid ah goobaha ugu barakeysan caalamka.

Haddaba aan eegno seddaxda qeyb ee ugu qadiimisan.

line break

Masaajidka Al-Aqsa

Qeybta Muslimiinta ee Qudus waa inta ugu wayn, waxaana ka mid ah Masjidka Al-Aqsa oo dhulka sare saaran. masaajidka waa goobta seddaxaad ee ugu barakeysan diinta islaamka, waxaana hadda maamusho hay’ad Islaami ah oo lagu magacaabo Waqaf.

Sida Diinta islaamka ay qabto, Nabi maxamed (NNKH), waxaa habeenkii dheelminta – ee Al-Israa wal-Micraaj – laga qaaday Masaajidka, iyo in uu halkaas kula tukaday dhammaan naftii nabiyada. Sidoo kale, qeybta sare ee masaajidka waa meesha nabiga uu ka aaday samada.

Masaajidka waxaa booqdo Muslimiin aad u badan sannad kasta. Xilliga dadka ugu badan ay tagaan waa maalmaha Jimcaha ee Bisha Ramadaan. Boqollaal kun oo Muslimiin ah ayaa ku tukatay masaajidka Al-Aqsa.

Al-Aqsa Mosque
line break

Kaniisadda

Qeybta ay ku badan yihiin Masiixiyiinta, waxaa ku taalla Kaniisad qadiimi ah oo Masiixiyiinta Dunida oo dhan ay ku xiran yihiin. Waxay ku taallaa qeyb ay aaminsan yihiin in ay xuddun u tahay sheekada Nabi Ciisa (CS), Saliibiyadda iyo halka uu ka soo degi doono.

Sida ay qabaan Masiixiyiinta, halkaas waa meesha Nabi Ciise lagu saliibiyeeyay. Waxayna aaminsan yihiin in qabrigiisa uu halkaa ku yaallo, iyo in meeshaas laga soo bixin doono.

Kaniisaddaas waxaa wada maamula masiixiyiin kala duwan sida Orthodox-ka Giriigga, Roman Catholic iyo Armenian Patriarchate, Sidoo kale waxaa qeyb ka ah Itoobiyaan, Coptics iyo Orthodox-ka Suuriya.

Malaayiin Masiixiyiin ah oo daafaha caalamka ka kala safray ayaa sannad kasta booqda kaniisaddan, gaar ahaan Qabriga Maran ee lagu sheegay midka “Nabi Ciise”.

Church of the Holy Sepulchre

XIGASHADA SAWIRKA,THOMAS COEX

line break

Gidaarka

Qeybta Yahuudda waa Kotel, ama Gidaarka Galbeed, Waa qeyb ka hartay gidaarkii celinayay Kaniisadda Yahuudda ee halkaas mar ka dhisnayd.

Gudaha macbadka, waxay aaminsan yihiin in ay tahay meesha ugu barakeysan goobaha barakeysan. Meesha muqadaska ah ee Yahuudda.

Dadka Yahuudda waxay aaminsan yihiin in halkaas ay tahay goobta laga aasaasay dhagaxa dunida lagu dhisay, iyo halka uu Nabi Ibraahim (CS) uu u diyaariyay in uu wiilkiisa ku yabooho oo lagu gowraco.

Waxaa jiro yahuud badan oo aaminsan in Qeybta sare ee Al-Aqsa ee Qubbat as-sakhra, ay tahay meesha ugu barakeysan caalamka oo dhan. Balse hadda, meesha ugu dhow ee Yahuudda ay ku cibaadeysan karaa waa Gidaarka Galbeed.

Maamulka halkaas waxaa haya qof ay u garanayaan Rabbi, waxaana sannad kasta booqda malaayiin qof. Dad badan oo yahuud ah oo ka kala yimaada daafaha caalamka ayaa halkaas taga xilliyada fasaxa ee sannadka.

Xigasho: BBC

Hadalsame Media