DEG DEG: Miigagga Ruushka oo hawada dalkooda ka eryey 3 dayuurad oo ay leeyihiin Faransiisku (Daawo)

0

(Moscow) 11 Maajo 2021 – Dayuuradaha Ruushka ee Su-30 ayaa loo diray hawada Badda Black Sea maanta si ay halkaa uga shuushiyaan 3 dayuuradood oo ay leeyihiin Ciidanka Cirka Faranskiisu.

Black Sea waa bad leh istaraatijiyad caalami ah maadaama ay isku xirto dalal badan sida Bulgaria, Georgia, Romania, Turkey, Ukraine, iyo Ruushka.

Sida ka muuqata video ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushku, 2 dayuuradood oo ah Mirage 2000 iyo hal ah nooca C-135 ee hawada shidaalka ku bixisa ayaa usoo dhowaadey hawada maxalliga ah ee Ruushka, taasoo keentay in miigagga loo diro si ay u gelbiyaan.

In yar uun kaddib, dhanka Barents Sea ayaa loo diray dayuurado kale kaddib markii ay halkaa usoo dhowaatey dayuurad ah kuwa roondada oo ay leeyihiin Ciidanka Cirka Norway, iyadoo loo diray noocyada MiG-31, gaar ahaan Raxanta Woqooyi.

Ruushka ayaa mar kasta hawadiisa ka celiya dayuurado ay leeyihiin dalalka NATO, iyadoo sanadkii tegey oo qura halkaa laga celiyey 2,900 oo dayuuradaha dagaalka ah iyo 1,100 oo ah kuwa basaaska, sida ay sheegtay WG Ruushku.

Hadalsame Media