XOG: Midowga Afrika oo aqbalay codsi ka yimid mucaaradka (Diblomaasi laga tuuray ergada Muqdisho imanaysa)

0

(Addis Ababa) 10 Maajo 2021 – Midowga Afrika ayaa ogolaaday in ergada sare ee dhexdhexaadinta u imamanaysa Somalia laga saaro diblomaasi ay qawaddeen kooxaha mucaaradku, taasoo lagu tilmaamay tillaabo niyad wanaag abuuraysa kahor wada hadallada 20-ka Maajo.

Ergadan heerka sare ee dhexdhexaadinta u imanaysa ayuu urur qaaradeedka Midowga Afrika wuxuu hoggaamintiisa usoo magacaabay Madaxweynihii hore ee Ghana, John Mahama, kaasoo ay wehlinayaan tiro diblomaasiyiin ah iyo la taliyeyaal, si loo xalliyo cakirnaanta ka dhalay doorashada xilligeedii ku qabsoomi waydey iyo muddo kororsi sharci darro ahayd oo la isku dayey.

Xog hoose ayaa sheegaysa in mucaaradka ay aad u diideen in ergada Midowga Afrika lagu soo daro Babatunde Taiwo, oo ah madaxa siyaasadda AMISOM, kaasoo ay ku eedeeyeen in aanu dhexdhexaad ka ahayn siyaasadda Somalia.

War Saxaafadeed ka soo baxay Madasha Badbaado Qaran ayaa lagu sheegay “in MR Taiwo uu saamayn sumaysan ku leeyahay Siyaasadda Somalia“, iyagoo weliba si cad ugu eedeeyey inuu yahay nin u diran ”Villa Somalia”, isla markaana uu laaluush ka qaato Hay’adda NISA, isla markaana uu xog-siiye u yahay nidaamka Farmaajo iyagoo sheegay in aanay aqbali karin, sida ay ku doodeen.

“Waxaannu si xushmad leh u codsaneynaa in laga laabto magacaabida Mr Taiwo”. Ayay soo jeedishey Madasha Badbaado Qaran oo saluugtey qiyamka dhexdhexaadnimo ee Taiwo.

Haatan, warar ku dhow dhow xayndaabyada diblomaasiyadeed ee Midowga Afrika, ayaa tibaaxaya in MR Taiwo laga cunay ergada dhexdhexaadineed ee uu hoggaaminayo MW hore ee Ghana, kaasoo aan weli lagu dhawaaqin goorta uu soo gaarayo dalka.

Murankan doorashada 2021 ayaa keentay inay hoos u yara dhacdo milgadii diblomaasiyadeed ee Somalia oo haatan dib ugu noqotay marxalidihii ergooyinka caalamiga ah, iyadoo maalin hore qoraal kasoo baxay Kenya laga garan karey arrintaas.

Hadalsame Media