(Muqdisho) 08 Maajo 2021 – Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), oo ay la socdeen Taliye Xigeenka iyo afhayeenka Booliiska Dhexe ayaa xalay gurigiisa ku booqday MW hore ee dalka, Xassan Sheekh Maxamuud.
Taliska Booliiska oo faahfaahin ka bixinaya ujeedka 1-aad ee kulankii xalay ayaa waxaa ay sheegeen in looga wada hadlay qorshaha ku saabsan sugidda amniga musharaxiinta xilliga doorashooyinka.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafa guray xog-siin ku saabsan hab-raacyada amaan sida qodobbadii ku jirey heshiiskii ay dhowaan gaareen RW Rooble iyo Midowga Musharaxiinta, kaasoo keenay in Muqdisho laga saaro ciidankii diidey muddo kororsigii sharci darrada ahaa.
Tillaabadan ayaa ka mid ah kuwa kalsooni soo celinta ah oo ay dhinacyadu qaadayaan kahor inta aan dib loo bilaabin waa hadallada doorashada ee uu iclaamiyey RW Rooble 20-ka bishan Maajo, kaasoo uu ilaa haatan soo ajiibey hal maamul oo ah Jubaland.
Taliyaha CBS @GenHijaar oo ay weheliyaan Taliye ku Xigeenka iyo Afhayeenka @SoPoliceForce ayaa hoygiisa ku booqday Madaxweynihii Hore Mudane Xassan Shiikh Maxamuud, kulankan waxaa lagaga wada hadlay qorshaha sugidda amniga Musharaxiinta ee xilliga doorashooyinka. pic.twitter.com/80wbVaPGDg
— Somali Police Force (@SoPoliceForce) May 7, 2021
Hadalsame Media