Inter Milan oo heshay khabar aan ka qoslin xilli ay dabbaaldegeyso + Conte & Marotta oo ka tegi kara (Sabab?)

0

(Milano) 08 Maajo 2021 – Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Maamulka Inter gaar ahaan MW Steven Zhang uu ciyaartooyda iyo shaqaalaha kale ka codsaday inay dhimaan mushaarooyinkooda, taasoo ay diideen iyadoo Antonio Conte iyo Beppe Marotta ay mustaqbalkooda ka fikirayaan.

Kooxda Nerazzurri ayaa weli ku jirta dabaaldegga Horyaalka Serie A oo ay qaadeen todobaad kahor, balse waxaa muudhkaa farxadeed meel hoose u celiyey MW Zhang oo kooxda u sheegay inay wajahayaan xaalad dhaqaale oo aad u liidata.

Wuxuuna si rasmi ah u codsaday in laacibiiniinta, macallimiinta ilaa shaqaalaha caadiga ihi ay wax soo celiyaan si looga wada gudbo cimilada dhaqaale xumo ee ay kooxdu muquuranayso.

Waxaa codsiga uu soo jeediyey ka mid ah inay kooxdu ka tanaasusho musharooyinkeeda gebi ahaanba muddo bil ah iyo inay sidoo kale cafiyaan bareemooyinkii ay ku muteen ku guulaysia Scudetto-hii 19-aad.

Corriere dello Sport ayaa se sheegay inay laacibiintu arrintaa iska diideen, tiiyoo ay qaarkood weliba si caro leh uga jawaabeen codsiga maadaama ay war kale filayeen.

Warqaadka ayaa intaa raaciyey in macallin Conte ilaa maareeyayaasha Marotta iyo Piero Ausilio aysan gebi ahaanba la dhacsanayn xaaladda Inter oo ay ka tashanayaan aayohooda, iyadoo haddii ay dhaqaajiyaan ay noqon doonto in mashruuca Inter mar kale eber laga soo bilaabo.

Conte iyo labada maareeye ayaa Inter qandaraas kula jira ilaa Juun 2022. Suning ayaa dhanka kale weli raadinaysa maalgashi cusub iyadoo doonaysa inay isla markaa dib u dhisto hannaankeeda maaliyadeed si ay kooxdu u shaqayn karto, waana midda keenaysa codsiga mushaar dhimista.

Hadalsame Media