Funaanadda cusub ee Milan oo soo jiidatey taageerayaasha & rikoodh cusub + Sawirro

0

(Milano) 08 Maajo 2021 – AC Milan ayaa soo bandhigtay maaliyaddeeda cusub ee fasalka soo aaddan, taasoo si rasmi ah loo heli kari doono 11-ka bishan Maajo.

Funaanadda lasoo bandhigay oo laba nooc ah ayaa midda 1-aad ee casaan madowga ah waxaa saacaddii 1-aad ee iibkeeda laga bilaabay webka kooxda waxaa la iibsadey funaanado u dhigma kuwii la iibsadey sanadkii hore oo dhan.

Arrintaas ayaa noqotay mid rikoodh jebis ah iyo koror aan caqli gal ahayn, oo ay aad ula yaabeen dadka wax ka qora arrimaha kooxaha.

Kulanka AC Milan iyo Cagliari oo dhici doona 16-ka bishan Maajo ayaa lagu wadaa inay Milan soo bandhigto oo ku dheesho funaanaddan cusub ee loogu tala galay fasal-ciyaareedka xiga.

Hadalsame Media