”Waxay naga qabsadeen 2 doonyood & kalluumaysato!” – Kenya & Tanzania oo markale qoorta iskugu jira xilli ay Somalia isu kaashan lahaayeen

0

(Northern Mara) 07 Maajo 2021 – Kalluumaysatada Kenyan-ka ah ee harada Afrika ugu wayn ee Lake Victoria ayaa ku baaqay in laga soo gaaro xarraas ah ku hayso Dowladda Tanzani, warkaasoo soo baxay xilli ay Kenya booqanayso Marwo Samia Suluhu, MW Tanzania.

Muranka ayaa yimid kaddib markii ay Tanzania qabsatay 2 doonyood oo kalluumaysi ah oo Kenyan ah iyo 6 qofood oo la socdey, iyadoo dadkan oo kasoo jeeda Kibro Beach oo ka tirsan Gacanka Muhuru Bay, Migori County ay wateen Booliiska Tanzania oo u dhigay dhanka Sota beach oo ka tirsan Degmada Northern Mara.

Sh100,000 oo la dul dhigay

Maulid Joel oo ka tirsan Maamulka Kibro Beach ayaa Nation u sheegay in Tanzania ay Sh50,000 oo shilin oo ganaax ah dul dhigtay dooni kasta ka doonayso.

“Waxaan dirnay wakiillo si loosoo daayo doonyaha iyo kalluumaysatada balse waxay nagu wargeliyeen inaan lacagta bixinno marka hore,” ayuu yiri Mr Joel oo sheegay in doonyaha lala haysto kalluunkii ay qabteen maalintii Arbacadii.

Arrintan ayaa imanaysa jeer uu MW Tanzania ku sugan yahay Kenya iyadoo waxyaabaha laga hadlayo ay ka mid yihiin in la turxaan bixiyo madmadowga soo galay xiriirka labada dal xilligii MW John Pombe Magufuli ee geeriyoodey.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay Kenya doonaysa codka Tanzania oo ah dal uu saamayn karo go’aanka Somalia, si ay u hesho dalal badan oo Afrikaan ah oo dhankeeda jira si ay ugu guulaysato doodda badda.

Hadalsame Media