ISKA ILAALI: Kenya oo hadda kaddib si caadi ah loogu iibin doono hilbaha DAMEERAHA (Go’aan)

0

(Nairobi) 07 Maajo 2021 – Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ayaa xugmisay in la qalan karo oo hilibkoodana la cuni karo dameeraha.

Xukunka Maxkamadda Sare ayaa baabi’inaya mid horay u mamnuucayey in la qasho oo la cuno hilibka dameeraha oo ay dad badani dalkaa ka cunaan.

Dadka ayaa durba bilaabay walaaca ay ka qabaan saamaynta ay arrintani ku yeelan doonto tirada dameeraha dalkaasi.

Soomaali badan oo dalkaa ku dhaqan ayay tahay inay hadda kaddib laba jeer iska eegaan hilbaha ay ka iibsanayaan dadka aysan aqoonin, maadaama dadka qaar lagu khaldi karo hilbo dameeraad.

Hadalsame Media