DF Somalia oo ka hadashay mowqifkeeda ku aaddan sida ay u kala maaraynayso xiriirka Kenya & dacwadda badda

0

(Muqdisho) 07 Maajo 2021 – DF Somalia ayaa markii ugu horreeysey tan iyo markii ay soo celisey xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay Kenya u jartay ka hadashay wararka sheegaya in xeer jajab lagu dhamaynayo muranka baddeed ee Kenya.

RW XigeenKA Mahdi Guuleed ayaa sheegay in maxkamadda cadaaladda Caalamiga ee ICJ laga sugayo go’aankeeda ku aadan DACWADDA badda ee loo qaaday Somalia-Kenya intii u dhaxaysay 15-18 kii bishii Maarso ee sanadkan 2021-ka.

RW Xigeenka ayaa intaa raaciyey in in aanay waxba iska khusayn doonin xiriirka diblomaasiyadeed ee ay labada dal soo ceshadeen iyo arrinta dacwadda badda ee ICJ hor taalla go’aankana laga dhowrayo.

Warkan ayaa kusoo beegmaya jeer ay soo baxayeen hadallo bushadu ay malmahaan isla dhexmaraysay iyo wer wer laga qabay in heshiiska ay Dowladda Qadar keentay uu daarran yahay in xeer jajab laga gaaro doodda ay Kenya waddo ee lagu doonayo biyaha Somalia.

Hadalsame Media