Ciidankii Muqdisho soo galay oo qabtay shaqo fiican walow ay meelaha qaar sixitaan uga baahan tahay

0

(Hadalsame) 07 Maajo 2021 – WADDO KHALDAN OO NATIIJO SAXAN KEENTAY: Hal arrin waa inay caddahay. Ciidanka Muqdisho soo galay ma fiicnayn in magac qabiil lagu howlgeliyo, balse shaqada ay qabteen waa middii laga doonayey Xoogga Dalka iyo Booliiska oo kuwa weli sharci darrada sii difaacayey ay ku khaldan yihiin.

Waayo marka Dastuurka laga weecdo dalkuna dimoqraaddi yahay waa inay Ciidanku muujiyaan inay yihiin difaacayaasha Dastuurka.

Sidaa darteed, ciidankani wasiilo khaldanba ha mareene, waxay qabteen howl loo baahnaa weliba waxay ku amaanan yihiin inaysan foowdo iyo amaan darro ka sababin meelihii ay joogeen.

Waxaan ku riyoonayaa in melayga xiga aan arko Taliyaha Booliiska iyo midka Xoogga oo akhrinaya intii uu maalin dhowayd akhriyey Saadaq John, sida in aan umadda lagu dhex dagaallamin, inaan Dastuurka laga weecanin, in ay Ciidanku u dhisan yihiin ilaalinta umadda iwm.

Weliba, iyadoo aanay ciidanku qabiillo u kala bixin, marka xigta ee Dastuurka la dhinac maro.

Dalka qof iskama laha.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media