Qadar oo hal arrin ku muujisay booqashadii ay uga galaa baxday Somalia & Kenya

0

(Hadalsame) 06 Maajo 2021 – Qatar ma waxay muujisay galaan-galkeeda Soomaaliya?

Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay wafdi ka socda wasaaradda arrimaha dibadda ee Qatar ayaa ku sugnaa Soomaaliya,waxayna kulamo la qaateen madaxda dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka xubno kamid ah, walow warbaahina laga ilaaliyay xogta shirarkii ay ku galeen Muqdisho, haddana waxaa muuqanayay in xukuumadda Dooxa ay si cad u muujisay galaan-galkeeda Gobolka geeska Afrika, weliba Soomaaliya.

Dadka qaar ayaa ku fasirayay in wafdigaan uu doonayay in la dhimo culeyska gudaha iyo dibadda ee soo wajahay dowladda madaxweyne Farmaajo oo la sheego iney taageero weyn ka hesho Qatar.

Wafdigaan oo ku hormaray Hargeysa, waxa uu la kulmay mas’uuliyiinta ugu sarreysa Somaliland oo tan iyo wixii ka dembeeyay, markii uu meesha ka baxay xiriirkii dimbulumaasiyadeed ee Kenya iyo Soomaaliya aad ugu dhowaaday Nairobi.

Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday iney soo celineyso xiriirkii diblumaasiga ahaa ee kala dhexeeyay Kenya, kadib daqiiqado kooban markii la shaaciyay in wafdigii Qatar uu la kulmay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Kenya ayaa dhow jeer oo hore ku doodday in dhankeeda xiriirku uu caadi ka yahay, balse loo baahanyahay in Soomaaliya geesteeda uu caadi ka noqdo.

Dhinaca kale, xubno kamid ah mucaaradka, maamullada Jubaland iyo Puntland ayaa ka gows adeygay iney la kulmaan wafdigaan Qatar ee socdaalka ku jooga bariga Afrika, dadka siyaasadda Soomaaliya lafa-gura ayaa diidmadaasi ku micneeyay mid ay gadaal ka taagantahay dowladda Imaaraadka, walow aan rasmi ahaanta dooddaas la xaqiijin karin.

Dadka qaar ayaa qaba in Qatar isbuucaan ay soo bandhigtay dhoolatus siyaasadeed oo ah farriin ku socota doorashada Soomaaliya, lamana oga cidda jawaab ka bixin doonta.

Waxaa Qoray: Cabdicasiis Axmed Barrow

Hadalsame Media