Dalalka wershadaysan ee G7 oo ku gooddiyey inay hoos u dhigayaan maqaamka DF Somalia

0

(Muqdisho) 06 Maajo 2021 – Dalal ka mid ah kuwa wershadaysan oo loo yaqaan G7 ayaa qoraal wadajir ah oo ay kasoo saareen arrimaha Somalia waxay walaac ka muujiyeen doorashada muranka gashay ee Somalia, waloow ay beryahan wax is furfureen.

Waxay bogaadiyeen tillaabadii uu Aqalka Hoose ku laalay sharci gaar ah oo uu kasoo saaray muddo kordhin la fahamsanaa inay riixaysey Madaxtooyadu, kaasoo ay ka noqdeen 25-koo bishan, 13 maalmood uun kaddib markii la meel mariyey kaddib cadaadis caalami ah iyo shaqaaqooyin maxalli ah.

“Waxaan soo dhaweyneynaa ansixintii Baarlamaanka ee 1-dii March ee aheyd dib u billaabista wadahadallada u dhexeeya dowladda Federalka iyo madaxda maamul goboleedyada, kuwaas oo ujeedkoodu yahay in la dhameystiro hannaanka doorashada ee ku saleysan heshiiskii 17-kii Sebtembar,” ayaa lagu yiri War Saxaafadeed kasoo Baxay Wasiir Dibadeedyada G7.

Dalalkan G7 oo wada reer Galbeed ah ayaa ku gooddiyey inaysan “taageeri doonin wax aan ahayn doorasho loo dhan yahay” iyagoo madaxda ugu baaqay inay mas’uuliyad muujiyaan oo rabshado ka dhowrsadaan.

Waxay kaloo hubaal ka dhigeen in haddii ay taasi dhici waydo aanay dalalka G7 ay bedeli doonaan maqaamka ay kula macaamilaan ama u wajahaan dalka Somalia.

G7 ayaa waxaa ku midaysan dalalka Canada, France, Germany, Italy, Japan, UK iyo Maraykanka, waloow ay ka maqan yihiin dalal ka wershado badan kuwo ururkan ku jira.

Somalia ayaa ku sugan xaalad niyadjab ku keentay dad badan oo jecel samaha dalka, taasoo ka dhalatay hoggaan xumo ka imanaysa Madaxtooyada iyo qorshe xumo mucaaradka ah oo lagu laray damacyo gaar ah oo aan ka tarjumaynin maslaxada dalka.