RASMI: Turkiga oo soo saaray matoor 15,00 oo faras oo lagu xirayo taangiyada culus ee uu sameeyo + Muuqaal & Sawirro

0

(Ankara) 05 Maajo 2021 – Turkey ayaa ku guulaystey daaritaanka matoorkii ugu horreeyey abid ee uu si maxalli ah u farsameeyo oo ah kuwa taangiyada kaasoo ay tamartiisu dhan tahay 15,00 oo faras, kaasoo sidoo kale loo adeegsan doono gawaarida gaashaaman ee kale.

Sida uu sheegay Ismail Demir Madaxa Wershadaha Ciidamada, waxaa matoorkan dhistay sharikadda sameeysa agabka ciidamada ee BMC Power, wuxuuna tilmaamay in ay tillaabadani tahay “mid ay u qaadeen dhanka tiknolojiyadda matoorrada culus.”

Matoorkan ayaa bilowgaba lagu rakibi doonaa taangiga ugu wayn ee lagu dhiso Turkiga ee Altay (MBT).

Waa matoor leh 12-dhululubo, oo ah nooca-V, kaasoo biyo lagu qaboojiyotype, wuxuuna leeyahay tamar u dhiganta 1,500 oo faras iyo awood 4600 oo Newton mitir marka la eego awoodda torque.

Si kastaba, waxaa la fahamsan yahay in moodallo horaadka tawaangida Altay ay adeegsan doonaan matoorro qalaad oo ay Ankara kasoo iibsan doonto dibedaha, iyadoo gaar ahaan, heshiis kula jirta sharikado South Korean ah oo ay BMC heshiis la gashay bishii Maarso, waana Doosan Infracore Co. iyo S&T Dynamics Co., oo bilowgii matoorrada ku xirir doona taangiyada iyadoo kaddib loo wareegi doono kuwa Turki sameega ah.

Hadalsame Media