Heshiiskii galabta oo looga tanaasuley qodob ay horay ugu dheganaayeen mucaaradku + Sawirro

0

(Muqdisho) 05 Maajo 2021 – Waxaa magaalada Muqdisho lagu saxiixay heshiis lagu dhameeyey shaqaaqadii ka dhalatay muddo kororsiga XF ee ay Madaxtooyadu markii dambe ka noqotay 25-kii bishii Abriil ee tagtay.

Kulanka ballaaran ee galabta heshiiskan lagu gaarey ayaa waxaa ka qayb galay Ra’iisul Wasaare Rooble, Midowga Musharaxiinta iyo Madaxda Maamullada HirShabelle iyo Galmudug, kuwaas oo ay wehlinayeen guddiga farsamada ee loo saaray xallinta mushkiladdan.

Heshiiska la gaaray oo ka kooban 10 qodob halkan ka akhri:

1 – In dhamaan Ciidamadii ku yimid xiisadaha ka dhacay magaalada Muqdisho dib loogu celiyo goobihii ay ka yimaadeen loogana saaro magaalada muddo 48 saac ah oo ka bilaabanaysa 05-05-2021.

2 – In xuquuqda ciidamadaas sida: Mushaarka, Darajooyinka iyo Xilalka wax saamayn ah ku yeelanin qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho loona raacan karin wax ku saabsan dhacdadaas.

3 – In si gooni ah loo xaliyo Saraakiisha leh duruufaha gaarka ah, sida: Darajooyinka, Mushaaraadka iyo Xuquuqda kale ee Ciidan.

4 – In kalsooni laga dhex abuuro hay’adaha amniga iyo siyaasiyiinta qaba tabashooyinka amni.

5 – In Ra’iisul Wasaarahu soo saaro wareegto uu ku farayo taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida. A. In aysan ku milmin arrimaha Siyaasadda. B. In aysan bixin ammarro ay ka dhalan karto khalkhal amni iyo mid siyaasadeed.

6 – In la magacaabo guddi khubaro Ciidan ah oo kala taliya Ra’iisul Wasaaraha dib u habaynta Ciidamada Qaranka.

7 – In aan Ciidamada Qalabka sida loo adeegsan arrimo siyaasadeed, faragalinna lagu samayn.

8 – In dhamaan dhinacyadu ay joojiyaan ficillada iyo hadallada abuuri kara colaad iyo nacayb.

9 – In lasoo celiyo gaadiidka iyo hubka gaarka loo leeyahay ee lagu kala qaatay dagaaladii ka dhacay Muqdisho lana soo daayo dadkii loo xiray.

10 – Fulinta qodobadaan waxaa masuul ka ah Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa.

Sida muuqata qodobbadan kuma jiro shardi ay horay ugu dheganaayeen mucaaradka oo ahaa in xilalka laga qaado taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, taasoo sida muuqata laga tanaasuley.

Arrintan ayaa ah tillaabo aad u wanaagsan oo loo qaaday dhinaca san laguna af-jarayo hubaal la’aantii jirtey.

Hadalsame Media