(Ankara) 05 Maajo 2021 – Turkey ayaa tijaabiyey gantaal nooca raadaarka laga hago ah oo la yiraahdo Hisar-A+ kaasoo sidii loo asteeyey ugu dhacay bartilmaameedkii loo dhigay, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga dalkaasi.
Wasaaradda ayaa war ay Twitter ku faafisay ku sheegtay in tijaabadu ka dhacday barta dab-ridka ee Aksaray Shooting Range iyadoo laga ridey Hanaan si ahaan otomaatig ah.
Ismail Demir, Madaxa Wershadaha Agabka Ciidamada ee SSB, ayaa sharraxay in gantaalka Hisar-A+ uu haatan ku bannaan yahay in lagu qalabeeyo ciidamada Turkiga kaddib markii lagu guulaystey inuu si aan iin lahayn uu u burburiyo bartilmaameedyo xawaare badan ku socda oo joog sare maraya, kaasoo ahaa daroon ay dhulka ka direen ciidanku.
Gantaalka Hisar-A+ oo ah mid ridde gaaban ah oo dhul ka cir ah, ayaa wuxuu ku xigaa dufcaddii hore ee Hisar-A, oo iskugu jira riddada dhexe iyo tan fogba, iyadoo ay samayntiisa u midoobeen sharikaadka Aselsan iyo Roketsan, wuxuuna ka mid noqon doonaa lakabyada kala duwan ee daafaca cirka dalkaasi.
Horraantii sanadkan, bishii Maarso, waxaa sidoo kale lagu guulaystey gantaalka Hisar-O+ ee ridada dhexe iyo sare, kaasoo ahaa midkii ugu tiiro dheeraa ee dalkaasi tijaabiyo ilaa maanta.
Short-range air defense system Hisar-A+ destroyed high-speed target with increased performance in altitude and range, Defense Industries Presidency head sayspic.twitter.com/88Z96ksKiJ
— DAILY SABAH (@DailySabah) May 4, 2021
Hadalsame Media