XOG: Deni & Madoobe oo xitaa diidey inuu Qaxtaani tago Garoowe & Kismaayo (Siyaasad halis ku noqon karta Somalia oo…)

0

(Muqdisho) 04 Maajo 2021 – Maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo hore u diidday in ay Ergeyga Gaarka ah ee ay Qadar usoo dirtay dalka Somalia, Mutlaq Majed Al-qaxtaani, ay kula kulmaan magaalada Muqdisho ayaa haatan war kale kasoo baxay.

Maamulladan ayaa sidoo kale iminka iska diidday in uu Qaxtaani sidoo kale tago magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo, si uu halkaa ugula kulmo, sida laga helayo ilo xog ogaal ah.

Weli si rasmi ah looma faahfaahin sababta ka dambaysa tillaabadan, yeelkeede, Puntland iyo Jubbaland ayaa horay marar dhowr waxay dalka Qadar ugu eedeeyeen in aysan dhexdhexaad ka ahayn arrimaha siyaasadeed ee dalka Somalia iyagoo ku eedeeyay taageerada ay siiyeen Xukuumadda Farmaajo.

Al-qaxtaani oo 3 maalmood kahor Muqdisho soo gaarey ayaa la kulmay Madaxda kala geddisan ee DFS sida Madaxtooyada, Madaxa Xukuumadda, Guddoonka Labada Aqal, Maamullada Galmudug, Hirshabeelle, KGS, Mucaaradka iyo Madaxda Somaliland oo ay soo balleeyeen.

Madaxda mucaaradka qaarkood ayaa wata siyaasado si istaraatiji ah u dhaawacaya dalka, iyagoo DF ula dhaqmaya sidii Maamul-goboleed, taasoo niyad jebinaysa dalalka doonaya caawinta Somalia, waloow loo baahan yahay xisaabtan misna ma aha in dalka loola dagaallamo tala xumada Farmaajo dartiis ee waa in wax la xeeriyo.

Hadalsame Media