Wasiir Dubbe oo 10 milyan oo Liire uga qadeeyey magaalada Istanbul (Sheeko dhab ah)

0

(Istanbul) 04 Maajo 2021 – Wasiirka Warfaafinta DF Somalia ayaa ka hadlay sheeko uu hadda kahor kula kulmay dalka Turkiga iyo sida uu wadcigu maanta isu rogey.

Wasiir Dubbe oo sheekadan qoray horraantii sanadkii tegey oo ahayd intii aanu Wasiirka noqonin wuxuu ku bilaabay:

22 sano kahor oo ku beegnayd 1998-kii ayaan kaga qadeeyey magaalada Istanbul lacag dhan 10 Malyuun oo Liire.

Ha nixin! tobankaa malyuun xitaa ma dhammayn oo way ka qiime yaraayeen 10 Dollar, weliba hal warqad bay ahayd. Waa xiligii Guinness World Record-ka loo geliyey Liiraha Turkiga lacagta ugu qiimaha liidata dunida. Isla xiligaa EU waxay marar badan soo celiyeen codsigii Turkey ee ahaa ku soo biirista qoyska weyn ee Europe.

Sababta oo ah Europe may rabin in Turkey-gu la soo doonto busaarad, sicir barar iyo shaqo la’aanta dabada ka wadda dhallinta Turkey ga.
Laakiin Xalay markaan soo galay Istanbul, waan garan waayey. Madaarka cusub ee Istanbul ayaa loo aqoonsaday Airport ka ugu weyn adduunka oo dhan.

Qadadii maalintaas ahayd 10 ka Malyuun ee Liire maanta waa 50 Liire oo keli ah. Reer Turkey na maanta waxay u qaadayaan bah-wadaagtii Europe heestii Axmed Cali Cigaal la qaadayey Maandeeq ee ahayd; Markii aan ku doortay, Dugsi aan ku mooday, Adoon diir naxaynin, waataad i Diidee: haygu Daalinee Samirey.

Hoggaan fiican ayaa abuura dhaqaale fiican.

Hadalsame Media