Waddo casri ah oo ka badan 22 KM oo dhismeheeda laga bilaabay duleedka Hargaysa (Daawo)

0

(Hargaysa) 04 Maajo 2021 – Madaxwaynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay waddo mari doonta duleedka magaalada Hargaysa taasoo qayb ka ah Mashruuca Berbera Coridor.

Waxaa jidkan oo uu dhererkiisu gaarayo 22.5 km isla markaana woqooyiga ka mari doonta magaalada Hargaysa gebi ahaanba maalgelinaya dalka Britain.

Waxaa munaasabaddii dhagax dhigga goobjoog ka ahaa kana hadlay sidoo kale Danjiraha UK u fadhiya dalka Somalia, Kate Foster.

MW Somaliland ayaa sheegay inay aad u liitaan kaabayaasha waddooyinku, isagoo ganacsatada ugu baaqay inay gacan ka gaystaan dhismohooda.

Hadalsame Media