Maxaa keenay inuu dalku muto mashaqada uu haatan muquuranayo?

0

(Hadalsame) 04 Maajo 2021 – Maxaa sababay in xaalka dalkeennu meesha uu marayo gaaro? Yaa ka masuul ah waxa dhacaya oo dhegeheenna damqaya?

Waxaan isku deyayaa inaan ka jawaabo inshallah, laakiin si guud ahaaneed,

nin hadduu madax yahay, dal ama shirkad ama hay’ad, heerkey doonto madaxnimadu ha ahaato, wixii dadka la shaqeeya ama hoostiisa joogaa halleeyaan isagaa masuuliyaddeeda qaada. Waa arrin cilmiga iyo caalamku isla oggolyahay.

Wixii ay qaldaan isagaa laga rabaa inuu kala xisaabtamo, go’aanka iyo tallaabada ku habboonna ka qaato, maslaxad iyo muquunin kuu adeegsadaba, haddii qaladku isaga toos uga dhacayna geesinimadu waa inuu qirto, laba goorana isaga ayaa masuuliyadda qaada.

Madaxweyne haddii shacabkiisu xilka iyo masuuliyadda u dhiibtaan, kalsooni iyo awood buuxdana siiyaan, lagama aqbali karo: qaladkaas qansax baa falay! khasaarahaasna qurac baa keenay! go’aankaasuna qufac buu ka soconwaayey!

Kaddibna uu eedda u qaybiyo dad uu madax u ahaa, awood ku lahaa, ka hoos shaqaynayey, isaguna eed kaga badbaado. Awoodda iyo kalsoonida shacabkiisu siiyeen, haddii kaaliyayaashiisu qaar danohooda gaarka ah u adeegsadaan, iyagu dheeftey goostaan, isaguna dhibka iyo masuuliyadda ayuu gurtaa, adduun iyo aakhiro.

Xil kastaa wuxuu leeyahay maamuus macaan iyo masuuliyad kharaar, labadaba in la isla qaataa waa lama huraan.

Waxaa Qoray: Sh. Maxamed Idriis

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media

Facebook Comments