Itoobiya oo Somalia uga sare martay meel aanay abid uga hormarin (Arag liiska qiimaynta)

0

(Hadalsame) 04 Maajo 2021 – Waxay shalay ku beegnayd Maalinta Saxaafadda Adduunka taasoo laga xusay meelo ay ka mid tahay xilli ay daaqadda kasii baxayso xorriyadda saxaafadda ee dalka, gobolladuba ha ugu sii darnaadeene.

Somalia ayaa xitaa markii ugu horreeysey taariikhda casriga ah ka hoos martay Itoobiya oo haddii wax lagu qaadanayo liiska Taxa Xorriyadda Saxaafadda ee Dunida, iminka noqotay dalka ugu roon guud ahaanba Bariga Afrika, waloow qiimayntan mararka qaar la siyaasadeeyo.

Somalia ayaa gashay kaalinta 161-aad, halka ay Itoobiya oo aad uga sara martay ay gashay 101-aad. Dalka Kenya oo loo arko midka Bariga Afrika ugu mug wayn dhanka warbaahinta ayaa ku xiga Itoobiya isagoo galay 102-aad.

Somalia ayaa sidoo kale ka hooseeysa dalal aanba lagu aqoonin xorriyad saxaafadeed sida kuwo Khaliijka ku yaalla.

Dalka Somalia ayay warbaahintu halista ugu ba’an ka wajahdaa kooxda Al Shabaab oo horay u sheegtay dilka weriyeyaal badan, halka ay DF iyo Maamulladuna door ku leeyihiin xiritaanka iyo u goodinta weriyeyaal iyo qalab warbaahineed.

Waxaa ugu dambeeysey Idaacadda Mustaqbal ee Muqdisho oo ay maalin dhowayd weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan DF, kuwaasoo burburiyey qaar ka mid ah qalabkii idaacadda isla markaana wax u gaystey shaqaalo goobta joogey oo jirdil sheegtay.

Si kastaba, kaalimaha 3-da ee ugu sarreeya waxaa xirtey Norway, Finland iyo Sweden oo ku wada yaalla Gobolka Scandinavia ee woqooyiga Yurub.

Halkan ka akhri qiimaynta….

Hadalsame Media