Sida ay madaxda dunida qar uga tuuraan dadka ku dhow dhow (Dhacdo xanuun badan)

0

(Hadalsame) 01 Maajo 2021 – Ninka cagta lala dhacayo waa muwaadin reer Masar ah oo lagu magacaabo Sayid Shawayl.

Mudane Shuwayl wiilkiisa oo xanuunsan qaliilna u baahan isna uusan awoodin qarashkaas bay daruufka ku kaliftay inuu warqad codsi ah gudbiyo Mw. Mubaarak oo dhoolatus ku maraya Magaaladda Almansuura ee dalkaasi sanadkii 1987dii.

Mudane Shuwayl waa uu ku guulaystay inuu fariintiisa gudbiyo, lkn nasiib darro habeenkii kolkii uu xaafadiisa u hoyday baa ciidan madaxtooyada ah kala baxeen gurigiisa geeyeena meel aan la aqoon oo sirdoonka wax ku xiraan.

4 bilood buu u xirnaa sababta uu madaxwaynaha ugu soo dhawaaday darteed mudadaas wiilkiisa oo waayey in qalniin lagu sameeyo ayuu u geeriyooday xanuun hayey darteed.

Markii uu xabsiga ka soo baxay wuxuu iska noqday bukaan socod oo jugtii iyo jirdirkii ay ciidanka ku sameeyeen baa laf dhabarta wax ka gaareen.

Waana laga rugseeyey halkii uu ka shaqayn jiray oo ahayd boostada qaranka dalkaasi.

Noloshiisa wuxuu ku dhamaystay bukaan iyo ciil qab uu u qaaday maamulkaasi kaliguu taliska ah.

Waxaa cajiib ah Mudane Shuwayl iyo Mw. Mubaarak labadooduba waxay geeriyoodeen sanadkii 2019-kii.

Gunaanadka waxaa waaye dadka madaxwaynaha ka agdhow baa kaligii taliye ka dhiga, shacabkana ka horkeena.

Dad baa kaligii taliye 2021-ka u sacab tumaya.

Waxaa Qoray: Amiin Y. Khasaaro

Hadalsame Media