Buundo casri ah oo laga dul dhisayo doox dhib lagu qabey oo ka soconaya meel u dhaxaysa Hargaysa & Berbera + Muuqaal & Sawirro

0

(Hargaysa) 29 Abriil 2021 – Buundo casri ah oo la saarayo Dooxa ama durdurka Dacar-Budhuq oo u dhaxeeya Hargeysa & Berbera, ayaa haatan meel wanaagsan maraya, waxaana halkaa booqday MW Somaliland, Muuse Biixi.

Dooxan oo ay dhibaato badan ku qabeen gaadiidka u kala goosha degaamo kala duwan, gaar ahaan xilli roobaayada oo ay dad ku dhici jireen kuna dhiman jireen ayaa waxaa laga dhisayaa buundo isku xiraysa labada jabni.

Buundadan cusub oo ay ku baxayso malaayiin doollar ayaa ka mid ah kaabayaasha loo dhisayo Mashruuca Berbera Corridor, kaasoo isku xiraya Somaliland & Itoobiya,isla markaana laga heli doono kumanaan shaqo oo cusub.

Buundadan oo ay Imaaraadku maalgelinayaan ayuu dhererkiisu dhan yahay 105M (Boqol iyo shan mitir), waxana uu kamid yahay biriijyada ugu muhiimsan ee la filayo in dhismihiisa ay ku badbaadi doonaan shacab badani, maadaama ay haatan biyaha dooxaas mara dad badani naftooda ku waayeen.

Buundadan ayaa marka la dhamaystiro noqon doonta midda ugu casrisan ee haatan ku taalla guud ahaanba Somalia.

Hadalsame Media