Bacaha jallaatada & barafka lagu iibiyo oo laga helo Muqdisho & gobollada oo ay la socoto halis caafimaad (Tijaabo la sameeyey)

0

(Muqdisho) 28 Abriil 2021 – Baaritaan aan sameeyey ayaa ku ogaadey sidaa darteed waxaana rabaa in aan Bulshada uga digo Bacda Barafka lagu Shubo ee lagu iibiyo ay keeni karto Khatar Caafimaad.

Waxaa dhacda in marka dad iibsadaan waxay Sameeyaan in Bacdi Barafka ku jirey inta Kal ama Bir soo qaataan in Barafkii bacda ku jirey lagu Burburiyo ka dib maxaa dhacaya.

Bacda waa isku eg yihiin Barafkii waxaana Baaritaanka ku ogaadey in burburkii Bacda uu ku milmo Barafkii kadib Cabitaan lagu qasto, waxaana ku arkeysaa Cabitaankii Baco yar yar ay ku jiraan, waxaa laga yaabaa in Bacahaas ay u gudbaan Caloosha qaarkoodna waa ili ma aragti.

Hadaba waxaa Bulshada Soomaaliyeed uga digayaa in ay arintaas ka digtoonaadaan oo ku baraarugsanaadaan oo si kale Barafka Bacda uga soo baxsadaan sidoo kale Jalaatada Caruurtu Cunaan qaarkood Bac ayaa lagu siiyaa waxaa dhacda in Caruurta markey Jallaatadii ku adkaato dhagax ama darbi ku garaacaan.

waxaa laga yaabaa in Jajab ka mid ah Bacdii ku milanto Jalaatadii ka dibna Caloosha u gudubto marka waalidka waxaa leeyahay in Caruurtooda si kale jalaatada ha uga soo bixiyaan bacda.

Qodob kale oo intanba ka baxsan waa nadaafadda iyo faya-dhowrka bacahan iyo barafka ama jallaatada ku jirta oo aad u liita.

RAMADAAN KARIIM

Waxaa Qoray: Amiin Y. Khasaaro

Hadalsame Media