”Aad baan u walaacney!” – MW Somaliland oo ka hadlay cidda ay la tahay inay leedahay eedda mas’uuliyadda shaqaaqada Muqdisho

0

(Berbera) 28 Abriil 2021 – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa Madaxtooyada dalka Somalia ku eedeeyey inay iyadu sabab u tahay shaqaaqooyinka Muqdisho ka aloosan.

Biixi oo maanta Berbera ka hadlayey ayaa tibaaxay in sida uu yiri uu aad uga ”xun yahay” xaaladda hadda ka taagan Muqdisho iyo dagaalkii Axaddii halkaasi ka dhacay.

Madaxweyne Biixi ayaa farta ku fiiqay cidda ay la tahay inay yeelanayso eedda 1-aad iyo sababta ay dagaalladani u dheceen.

“Maanta aad baannu uga walaacnay oo aannu uga naxnay markaannu aragnay Xamar oo dib dagaal uga bilaabmayo,” ayuu yiri Biixi isagoo raaciyey.

”Eeddaasna waxa leh dawladdii hoggaanka haysay oo iyadoo waqtigeedii dhammaaday damacday inaanay dadkii dhegaysan.”

Si kastaba, xaaladda ayaa haatan deggan waloow magaalada laga soo sheegayo inaan wax badani iska bedelin dhufaysyadii lagu kala jirey, kaddib markii uu MW Farmaajo jeediyey khudbad uu ku ballamiyey kulan baarlamaan aan haysan kalsooni shacbawi ah oo aan la hubin waxa ka iman doona.

Hadalsame Media