3 tillaabo oo ay qaadi karaan Aqalka Hoose iyo Madaxtooyada & midda qura ee labadooda la GUDBOON

0

(Muqdisho) 28 Abriil 2021 – MW Somalia ee ay muddadu ka dhamaatay ayaa dadwaynaha Soomaaliyeed kala hadlay qalabka Warbaahinta Qaranka, khudbadda oo aad loo sugayey ayaa waloow ay ku jireen erayo u ekaa inay wax is bedelayaan oo horay loo soconayo, taasoo inay dhab tahay la rajaynayo, misna waxaa jira kelmado aan dadka damaanad siinin.

Waxaa ka mid ah in Madaxwaynuhu iska dheereeyey inuu waxa dhacaya uu wax mas’uuliyad ah ku leeyahay, inuu eedeeyey siyaasiyiin kale, inuusan soo bandhigin wax dhabbe-howleed ah oo ka duwan wixii hore sida cidda loo dhiibayo amaanka, inuu isagu faraha kala baxayo howlaha socda oo uu musharrax uun noqonayo, inuu jeediyo khudbad midayso ah oo umadda lagu dejinayo kooxaha mucaaradka ahna kelmado samadoonnimo loogu dirayo iyo xitaa inuu xilka bannaynayo oo ay dadka qaar filayeen.

Waxaas oo dhami ma dhicine wuxuu ka hadlay sida loo taageeray, inuu badbaadiye yahay, kuwa kalena wax burburinayaan, wuxuuna markale ballansaday Aqalka Hoose ee Baarlamanka oo isagu qayb ka ah mixnadda siyaasadeed ee taagan sidoo kalena ku fashilmay inuu qaato mas’uuliyad ay ka muuqato turaale iyo fahamka xaaladda, isla markaana kula jira muddo kordhintan muranka dhalisay iyo sidoo kale waqtiga oo ka wada dhacay.

Haatan, waxaa durba la iclaamiyey kulan dhici doona Sabtiga waxaana jira:

1 – Xogo hoose oo sheegaya in wax kasta si wanaagsan loo abbaari doono oo ay xilkasnimadu soo noqon doonto, balse waxaa sidoo kale jira kuwa sheegaya in lagu dhaqaaqi karo tillaabooyin kale oo khushmaan iyo waqti lumis ah oo ay isla dejiyeen Madaxtooyada iyo Xildhibaannada dantooda eeganaya, sida:

2 – Waxaa ka mid ah in xilka si halhaleel ah oo sharci darro ah looga qaado RW Rooble sidii Khayrre kaddibna umadda la geliyo madadaalo kale iyo xukuumad dhisid. Taasoo haddii ay dhacdo noqon doonta dheel carruureed wax badan ka sheegaysa heerka ay marayso garashada ciddii isku dayda.

3 – In la yiraahdo Baarlamankii ayaa diidey in laga laabto muddo kororsigii, sidaa darteed Madaxwaynuhu waxba kama qaban karo, iyo arrimo kale oo aynaan doonayn inaan hadda ka hadalno, balse hawada ku jira.

TAN LA GUDBOON AQALKA HOOSE

Inay ogaadaan oo fahmaan xaaladda uu dalku haatan marayo inuu u baahan yahay samatabixin siyaasi ah oo aanay noqon sidii kalluunkii u jeedey hilibka yar ee can-tallaalka (bait) ku dheggan jillaabta, balse aan iyada u jeedin, iyo inay gartaan inaysan haysan sharciyad Baarlamaan maadaama a) uu waqtigu ka dhamaaday iyo b) aanu xitaa Baarlamanku u dhamayn tillaabada muddo kordhinta, sidaa darteed, aysan isku dayin tillaabo nacasnimo ah oo dhib wayn keenaysa.

Yeelkeede, haddii ay taasi dhacdo, iyadoo ah, waa haddii ay dhacdee, mid muujinaysa xisaabtan xumo iyo garasho liidata heerkii ugu sarreeyey inay keeni karto cawaaqib xumo siyaasadeed, mid amaan, mid bulsho iyo guud ahaanba mustaqbal xumo Somalia ku habsata.

MAXAA LA GUDBOON FARMAAJO?

1 – Marka aad su’aashan waydiiso dadka waxgaradka ah, waxay dookha 1-aad ka dhigayaan in sida ugu wanaagsan ee Farmaajo ku yeelan karo dhaxal siyaasadeed oo dambe, haddiiba ay jirto, ay tahay inuu is casilo kaddibna iska tago oo sanado iska galo suuris siyaasadeed (political hibernation).

2 – Inuu soo istaago isagoo musharrax ah balse uu faraha kala boxo wadista howlaha doorashada oo loo dhiibayo XF, iyadoo ay sidooda u shaqaynayso Xukuumad xil-gaarsiin ah (expeditionery), isna uu iska wato howlihiisa ololaha doorashada.

MID AAN LA GUDBOONAYN OO GO’AAN XUMO AH

Waa isagoo isku sii daya inuu sii wado howlo madadaalo ah iyo kuwo uu waqti ku luminayo isagoo adeegsanaya xeeladihii horay u shaqayn waayey sida kuwa aannu sare kusoo xusnay, taasi waxay sii dilaysaa sumcaddiisa iyo qiyamkiisa oo beryihii dambe si wayn u dhaawacmay, si uu wax uun uga caymiyana waa inuu hadda yeelaa sida saxda ah.

Marna lagama daaho in wax fiican la falo.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media