Jaamacadda Carabta oo bayaan rasmi ah kasoo saartay xaaladda cakiran ee Somalia (Nuxurka warkeeda)

0

(Qaahira) 23 Maarso 2021 – Jaamacadda Carabta ayaa kusoo biirtay dalalka iyo ururrada walaaca ka muujinaya xaaladda Somalia oo haatan marinaysa meel cakiran kaddib markii la isku mari waayey moodalka doorashada iyo guud ahaanba heshiis laga gaaro, deetana ay DF qaar ka tirsani muddo kororsi ku dhawaaqeen.

Qoraal ay haatan soo saartay Jaamacadda Carabta ayaa ku baaqaya in xal siyaasadeed la gaaro iyadoo la magac dhabay madaxda DF Somalia, Maamul-goboleedyada iyo xitaa siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Jaamacadda Carabta ayaa intaa raacisay in xal siyaasadeed oo loo dhan yahay uu yahay dariiqa qura ee heshiis looga gaari karo xaaladda murugsan ee haatan taagan.

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay inay garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed si ay uga guuleystaan caqabadaha haatan isla markaana dib ugu disaan Hey’adaha Dowliga ah, iyagoo lagama maarmaan ku tilmaamay in la ilaaliyo midnimada dalka, xasilloonida iyo soo kabashada socota.

Warka Jaamacadda Carabta ayaa imanaya kaddib markii uu xalay Golaha Amaanka ee Midowga Afrika uu ku baaqay in wada hadaladdii doorashada dib loo bilaabo oo aan la isku mashquulin muddo kororsi hal dhinac ah.

Hadalsame Media