Turkiga oo dal kale oo Muslim ah siinaya daroonnada laga yaabban yahay ee Bayraktar TB2

0

(Rabaad) 20 Maarso 2021 – Warbaahinta Marooko ayaa faafisay war sheegaya inay dowladda dalkaasi iibsan rabto ilaa 13 daroon oo ah kuwa Turkigu sameeyo ee Bayraktar TB2 si ay sare ugu qaaddo cududdeeda dhanka cirka.

Daroonnadan oo ku kacaya adduun dhan $70 milyan oo doollar ayay Marooko sidoo kale ku heli doontaa ilaa 4 saldhig dhuleed oo ah kuwa laga hago daroonnada iyo tababarka dadka ka shaqayn doona.

Daroonnada Turkiga ayaa dunida suuq ka yeeshay kaddib doorkii go’aamiyaha ahaa ee ay ka qaateen dagaallada Syria, woqooyiga Ciraaq, Libya iyo Azerbaijan, oo ay guusha raacsiiyeen Baku.

Marooko oo Gobolka Saxaraha kula dagaallanta jabhadda gooni goosadka ah ee Polisario Front, ayaa daroonnada Turkiga oo rakhiisna ah uga maarmi karta kuwa Maraykanka iyo Israel oo ay haatan adeegsato.

Hadalsame Media