Saraakiil Turki ah oo goor dhowayd la kulmay Taliyaha Xoogga Dalka Somalia & ballan qaad ay sameeyeen

0

(Muqdisho) 20 Maarso 2021 – Turkiga ayaa muddaba wuxuu wadaa howlo dib loogu dhisayo Ciidanka Qalabka sida ee dalka gaar ahaan Xoogga Dalka iyo Booliiska Dhexe oo uu u sameeyey ciidamo si gaar ah u tababaran.

Maanta waxaa magaalada Muqdisho kulan ku qaatay Taliyaha Xoogga, Jen. Odawaa Yuusuf iyo saraakiil sare oo ka socda Millateriga dalka Turkiga.

Waxaa la isla soo qaaday sidii ay Turkigu usii xoojin lahaayeen tababarrada ay siiyaan ciidanka Somalia, isla markaana ay uga qayb qaadan lahaayeen isbedellada socda ee dib loogu dhisayo Ciidanka Qalabka Sida ee dalka.

Turkiga ayaa horay u ballan qaaday inay Somalia u tababarayaan ilaa 16,000 oo askari, iyagoo ilaa xadna qalabeeya ciidanka ay tababaraan, iyagoo Somalia kula jira heshiisyo dhanka iskaashiga amaanka ah.

Hadalsame Media