MW Somalia oo gaarey Kinshasa & sababta safarka oo weli dahsoon + Sawirro

0

(Kinshasa) 19 Abriil 2021 –  MW Somalia ee muddo-xileedkiisa lagu muransan yahay ayaa gaarey magaalada Kinshasa ee Koongada Dimoqraadiga ah.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kinshaasa ee caasimadda dalka Koongo halkaas oo booqasho labo maalmood ah ay uga bilaabantay,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Madaxtooyada Dalka.

“Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa si heer sare ah ugu soo dhaweeyay Garoonka Caalamiga ah ee Injiili ee dalka Koongo Madaxda Dalkaas oo muujinayey mudnaanta ay siinayaan kobcinta xiriirka labo geesoodka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo.

“Safarka Madaxweynaha ayaa ku qotoma kor u qaadidda iskaashiga diblomaasiyadeed ee labada dal iyo midka heer qaaradeed ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ciribtirka fakhriga iyo xagjirnimada.

“Diblumaasiyiinta ku wehelinaya safarkan Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta ay ku sugan yihiin Koongo waxa ay kulan-doceedyo la qaadan doonaan dhiggooda dalkaas iyo Madax kale oo ka tirsan Midowga Afrika.” Ayaa lagu soo afjaray qoraalka.

Booqashadan ayaan si iskeed ah micne u samaynayn, iyadoo ay wararku sheegayaan in ay jirto sabab aan ahayn midda ku xusan qoraalka oo halkaa loo tegey.

Hadalsame Media