Madaxtooyada Kinshasa oo kashiftay dalab uu u bandhigay MW Farmaajo oo ka geddisan xogtii horay loo hayey

0

(Kinshasa) 19 Maarso 2021 – War cusub oo haatan kasoo baxay dhanka Madaxtooyada Congo, ayaa weji hor leh u yeelaya booqashada MW Somalia.

Madaxtooyada Congo DR ayaa sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu ka codsaday dhiggiisa dalkaasi in uu fududeeyo in wada-hadal dhexmara Dowladda Somalia iyo saamileyda siyaasadeed ee dalka.

Arrintan ayaa la sheegayaa in ay sabab u tahay Madaxweyne Tshisekedi oo hadda haya xilka wareegtada ah ee Midowga Afrika, waxaana la sheegayaa inuu aqbalay dalabkaasi ka yimi dhanka Farmaajo.

Congo ayaa sheegtey in ay fiican tahay in mushkiladaha Afrikaanka lagu xalliyo hindise Afrikaan leeyahay.

Yeelkeede, lama oga inay jiraan arrimo kale oo middan lagu dhex qarinayo, iyadoo xalka sii fogaynaysa in Kinshasa la keeno, maadaama ay dib u furayso shirarkii dibedaha loogu qaban jirey hoggaamiye kooxeedyada.

Hadalsame Media