Kooxaha Yurub ugu waawayn oo gooni u goostay iyo muran ka taagan

0

(New York) 19 Maarso 2021 – Laba iyo toban koox oo ka kala dhisan Ingiriiska, Taliyaaniga iyo Spain ayaa ku dhawaaqay qorshaha billaabidda tartan cusub oo Yurub ah oo ay u bixiyeen EUROPEAN SUPER LEAGUE.

Kooxaha AC Milan, Arsenal, Atlético Madrid, Chelsea, Barcelona, Inter Milan, Juventus, Liverpool, Manchester City, Manchester United, Real Madrid iyo Tottenham Hotspur iyo seddex koox kale oo aanan la shaacin ayaa tartanka billaabi doona.

Tartanka ayaa waxaa sanadkii ku baxaaya lacag ka badan 3 bilyan oo doollar, waxaana fangaraynaaya Bangi laga leeyahay Maraykanka.

Xiriirrada kubadda cagta Adduunka, Yurub, Taliyaaniga, Ingiriiska iyo Spain ayaa dhammaantood kasoo hor jeystay mashruucaan, waxayna ku hanjabeen in kooxaha iyo ciyaartoydaba laga ganaaxi doono dhammaan tartamada la aqoonsan yahay.

Bahweynta kubadda cagta adduunka ayaa si wadajir ah mashruucan uga soo horjeeda, iyagoo ku tilmaamay mid dhaqaale uun lagu raadinaayo.

Xiisaddan ayaa aad loo hadal haayaa maanta.

Waxaa Diyaariyey: Ibrahim Geddow Awale

Hadalsame Media