DEG DEG: MW Farmaajo oo soo qoray war muujinaya mowqif uu ka tanaasuley & mid uu weli ku dheggan yahay

0

(Kinshasa) 19 Maarso 2021 – MW Maxamed Farmaajo ayaa qoraal yar oo uu Twitter-ka soo dhigay ku gudbiyey farriin u eg inuu ka haray muddo kororsigii.

MW Farmaajo oo cadaadis maxalli ah iyo mid caalami ahba wajahayey ayaa hadda sheegay inuu diyaar u yahay in doorasho la qabto iyo inuu la hadlo saamileeyda, waloow ay warkiisa ka muuqato inuu weli doonayo doorasho toos ah.

Madaxwaynaha ayaa Midowga Afrika ku casuumey inay door hogaamineed ka qaataan fududaynta geeddi socodka doorasho “uu muwaadin kasta wakiilkiisa kusoo doorto” taasoo xor iyo xalaal ah, jeer ay saamileeyda oo dhami ka qaybgeleeyso aayaha dimoqraadiyadda dalka, sida uu yiri.

Madaxwaynaha ayaa Kinshasa kula kulmay MW DR Congo oo ah Guddoonka wareegga ah ee AU.

Hadalsame Media