Musuq baahsan oo ka jira maamulka ciyaaraha Somalia (Dabagal la sameeyey & lacagta la lunsaday)

0

(Hadalsame) 18 Maarso 2021 – Tartamadii Degmooyinka Gobolka Benaadir ee la qabtay labadii sano ee lasoo dhaafay waxaa jirta cabasho isoo gaaraysay oo sheegaysay innaan la bixin wixii kharash ahaa ee loogu tala galay in la siiyo dadkii ka qayb galay tartankaasi sida garsoorka, maamulka, guddiga, waardiyaasha iyo caruurta kubaddaha soo qabata hadaba waa sidee qarashaadka maqan:

Cayaaraha la dhelay labadii sano ee lasoo dhaafay waa 92-kulan sidee loo kala maareeyay dhaqaalihii.

1 – Garsoorayaasha qabanayay kulan kasta waa 4-garsoore waxayna kulankiiba leeyihiin 15$ kulankiiba isku dar 92-kulan lacagta ka maqan garsoorayaasha waa 5520$ (Shan kun shan boqol iyo labaatan doolar).

2:Guddiga tartanka waa lix qofood iyo xeer ilaaliyaha kulanka waxay maalinkii ku shaqeeyaan lacag dhan 15$ isku dar 92- kulan lacagta ka maqan 9660$ (Sagaal kun lix boqol iyo lixdan doollar).

3 – Caruurta soo qab qabata kubaddaha garoonka waa afar waxayna maalinkii xaq u leeyihiin 3$ waxana isku dar lacagta ka maqan ay tahay 1104$ (Kun boqol iyo afar doolar).

4 – Waardiyaasha garoonka iyo ilaalada waxay leeyihiin 10$ kulankiiba waxaana tiradooda leegu sheegay 4 waxaana isku dar lacagt ka maqan ay tahay 3680$ (Sadex kun sideed boqol doolar).

Hadaba waxaa jira lacag kale oo TV-yada laga qaaday lacag gaaraysa 3000$(Sadex kun doolar) isku dar waa 9000$ ma ogi in TVga Rejo lacag laga qaaday lamana oga meel ay gashay lacagtaasi ay ugu qayb qaadanayeen horumarka Sportska gobolka Benaadir.

Hadaba waxaa isku gayn lacagtaasi ay noqonaysaa 28,964$ (Labaatan iyo sideed kun sagaal boqol lixdan afar doolar).

Waxaa jira qarashaad loo isticmaalay in lagu dabaray rag qeeliyay oo laga maarmaan ahayd in lacag lagu furdaamiyo waxaa sidoo kale jirta in degmada Waaberi aan koobka lasiin.

NB:Warbixintan muddo ayaa baaraayay waana xaqiiq waxaana cabasho ka muujinayay garsoorayaasha iyo qaar kamid ah shaqaalihii shaqooyinkaasi qabtay.

Waxaa Xogtan Ururiyey: Cabdalla Xasan Baliil

Hadalsame Media