Turkiga oo aad uga faa’iidey ciriiriga ay reer Galbeedku dhanka hubka uga hayaan (Inta guul ee uu gaarey?)

0

(Ankara) 15 Maarso 2021 – Dalal badan oo reer Galbeed ah oo ay weliba Turkiga NATO ku wada jiraan sida Maraykanka, Jarmanka, Holland, Faransiiska, Canada iwm ayaa dalkaa ka cunaqabateeya qaar ka mid ah tiknolojiyadda farsamaynta hubka, waxaana ugu dambeeysey Canada oo hadda joojisey heshiis is dhaafsiga tiknolojiyadda ah, balse Turkiga ayaa arrintaa ka macaashay, sida ay sheegtay hay’adda soo saarista agabka ciidanka ee SSB.

MW Ismail Demir ayaa sheegay in xayiraadaha dalkiisa la saarayo ay keentay inay ilaa xad isku fillaadaan, waxaana tusaale fiican ah bikaacyada ay daroonnadu wax ku arkaan ee casriga ee Common Aperture Targeting System (CATS) oo ay si maxalli ah u dhistay shirkadda Turkiga ah ee Aselsan kaddib markii ay Canada hakisey (hadda waaba joojisey) inay farsamadaa qayb ka mid ah la wadaagto, iyadoo ku maagtay in daroonnada Turkigu ay gacan wayn ku lahaayeen xorayntii Nagorno-Karabakh.

Deeto sharikadda Baykar ee dhista daroonnada Bayraktar TB2 ayaa bishii Nofeembar ee 2002 ku guulaysatey inay gantaalo ay isla Turkigu sameeyeen ku tijaabiso daroonnadeeda, iyadoo adeegsanaysa bikaacyada ay farsamaysay shirkadda Aselsan ee isla Turkiga.

Gantaalaha lagu xirey Bayraktar TB2 oo ah nooca smart-ga ah (MAM-L) ayaa waxaa samaysay shirkadda Roketsan ee isla Turkiga, waxaana lagu shiishay bikaacyada Aselsan oo adeegsanaya tiknolojiyadda far-toogadka ah ee CATS, iyadoo awood u leh inay shiishto bartilmaameedka neg iyo midka dhaqaaqaya iyadoo joog sare ku duulaysa.

CATS waa bikaacyo danabeed casri ah oo loo adeegsado sahanka, sirdoonka iyo shiishka bartilmaameedyada, waxaana lagu xiri karaa daroonnada, dayuuradaha qumaatiga u kaca, sahanka iyo kuwa guuxooda ka dheereeya.

Canada ayaa 12-kii bishan Abriil gebi ahaanba kansashay rukhsaddii tiknolojiyadda daroonnada loogu dhoofinayey Turkiga, tiiyoo ay jirto inay NATO ku wada jiraan, iyadoo sidaa ugu hiillinaysa Armenia oo 30 sanadood haysatey gobol ka tirsan Azerbaijan.

Wasiir Dibadeedka Canada, Marc Garneau, ayaa ku dooday in qaabka loo adeegsadey tiknolojiyaddu “aanay waafaqsanayn siyaasadda dibadda Canada, iyo sidii ay Turkigu sheegeen inay u adeegsan doonaan.”

Turkey ayaa go’aankaa cambaareeyey isagoo ka digey in laga waantoobo tillaabooyinka xumayn kara wada shaqaynta ka dhexeeysa NATO, balse howshiisa ayuu misna wataa.

Tusaale, Aselsan oo samaysay bikaacyada CATS ee Canada looga raystey, waxay sidoo kale wadda samaynta kaamarooyin danabeedyo kale sida ASELFLIR 400 iyo DASS, oo habab kala duwan ay ciidamadu wax ugu arkaan.

Canada ayaa sidoo kale Turkiga siin jirtey matoorrada dayuuradaha ee PT6 turboprop oo ay dhisto Pratt & Whitney Canada, kuwaasoo ay awooddoodu u dhaxayso 750 ilaa 1,250 faras, loona adeegsado dayuuradaha ciidanka iyo kuwa madaniga ah sida kuwa tababarka ee  Hürkuş oo ay leedahay TAI oo Turkiga ah.

Yeelkeede, TUSAŞ Engine Industries (TEI), ayaa haatan qaab maxalli ah u tijaabinaysa matoorro u dhigma kuwa aannu soo sheegnay. Waxaa ka mid ah matoorka TS1400 oo lagu wado in loo isticmaalo dayuuradaha tababarka ee Hürkuş.

Turkiga ayaa sidoo kale ku guulaystey samaynta matoorkii 2-aad oo maxalli ah loo sameeyo oo loogu tala galay dayuuradaha qumaatiga u kaca ee dalkaasi iyadoo qaybta 1-aad lagu guulaystey bilowgii sanadkan.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media