DHEGEYSO: Midowga Yurub oo joojiyey inuu qandaraas dambe siiyo tallaalka Astra Zeneca

0

(Brussels) 14 Maarso 2021 – Komishanka Midowga Yurub ayaa diidey inuu qandaraaska u kordhiyo sharikadda Astra Zeneca ee soo saarta tallaalka lagula tacaalo durayga dilaaga ah ee Covid-19, sida lagu faafiyey warqaadka maalinlaha ah ee Talyaaniga kasoo baxa ee La Stampa, kaasoo soo xiganayey ilo ku dhow Wasaaradda Caafimaadka Talyaaniga ee Ministero della Salute oo lagu daabacay WW Reuters.

Astra Zeneca ayaa samaysa tallaalka nooca loo yaqaan vector vaccine, halka Maamulka Midowga Yurub ay doonayaan tallaallada adeegsada tiknolojiyadda loo yaqaan mRNA taasoo ay wax ku sameeyaan sharikaadka Pfizer iyo Moderna.

Hadalsame Media

Facebook Comments