BOLLYWOOD: Atoore caan ah oo Hindi ah oo sheegay inuu ‘Alle isu dhiibay’

0

(Mumbai) 14 Maarso 2021 – Saqib Khan oo ka mid ah xiddigaha Bollywood-ka ee soo jila filimada runta ku saleysan ayaa Khamiistii ku dhawaaqay inuu diinta Islaamka darteed u joojin doono xirfaddiisa jilaanimo.

Atoorahan ayaa go’aankiisa ku sharraxay qoraal dheer oo uu soo galoyay boggiisa Instagram-ka, isagoo sheegay inuu heysto fursado miiska u saaran oo shaqo jilitaan ah balse uusan aqbali doonin inuu mar dambe ka qayb qaato filimada la jilo.

Dhinacyo badan ayuu ka eegay wuxuuna isku dayay inuu taageerayaashiisa ka dhaadhiciyo inaysan jirin cillado ku kallifay tallaabadan lama filaanka ku noqotay dad badan.

 

View this post on Instagram

 

A post shared by S A K I B K H A N (@saqibkhan_64)

“Inta aan ilaa hadda ka arkay nolosha adag ee Mumbai, aad bay u adag tahay in la noolaado laakiin waxaan si farxad ku dheehan tahay u sheegi karaa inaan muddo gaaban oo hal sano gudaheed ah ku gaaray heer fiican kuna helay taageeroyaal badan,” ayuu yidhi Khan.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in go’aankan uusan ahayn mid uu u qaatay cadaadis uga yimid inuusan shaqooyin jilitaan ah helin.

“Mararka qaar, waxaan ka baxayay xadka (Xeyndaabka diiniga ah) waxaana sameynayay ficillo kasoo hor jeeda fikirkeyga islaamnimada ah,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

“Shanta waqti ee salaadda waan tukan jiray laakiin mararka qaar wax baa iga maqnaa mana hagaagsaneyn xiriirka naga dhexeeyay aniga iyo Alle. Sidaas darteed hadda waxaan si buuxda isugu dhiibayaa Allah SWT.”

“Alle ayaan ka dalbanayaa cafis iyo dambi dhaaf waxaana ka rajeynayaa inuu iga aqbalo rabitaankeyga.”

Aayado quraan ah ayuu ku xusay qoraalka uu soo dhigay Instagram-ka oo sidoo kale uu la socday sawirkiisa oo ka muuqdo isagoo kitaabka Qur’aanka heysta.

Khan wuxuu qormadiisa kusoo gabogabeeyay raalligalin uu siiyay dadka ka xumaaday go’aankiisa “ha ahaadaan kuwo si ulakac ah uga carooday ama kuwo si kale u dhibsadayba.”

Ma aha markii ugu horreysay ee xiddigaha Bollywood-ka qaarkood ay ku dhawaaqaan in ay iska joojiyeen xirafddooda, sababtuna ay tahay diinta Islaamka awgeed.

Zaira Wasim iyo Sana Khan ayaa ugu dambeeyay jilayaasha shaaciyay inay ka baxeen filimada iyagoo sheegaya inay diinta Islaamka u adeegayaan.

Xigasho: BBC

Hadalsame Media