Beesha caalamka oo ka hor timid muddo kororsigii dorraad (Baaq & ballan qaad cusub)

0

Howlgalka Midowga Afrika ee Somalia (AMISOM), Canada, Danmark, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka IGAD, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Spain, Sweden, Switzerland, Boqortooyada Ingiriiska, Mareykanka, iyo Qaramada Midoobay ayaa looga soo horjeestey muddo kororsiga dorraad lagu dhawaaqay.

War Saxaafadeedka ayaa lagu sharraxay “inay aad uga walaacsan yihiin sharcigii gaarka ahaa ee lagu laalay Heshiiskii 17-kii Sebt. ee kasoo baxay Aqalka Hoose ee Baarlamanka, kaasoo muddo-xileedka loogu kordhiyey Baarlamanka iyo Madaxwaynaha.”

“Waxaanu si joogto ah u sheegayney in aynaan taageeri doonin geeddi-socod siyaasadeed oo is barbar socda, doorashooyin aan loo dhamayn, ama dadaallo cusub oo keenaya kordhinta muddo-xileedkii hore,” ayaa lagu yiri War Saxaafadeedka kasoo baxay beesha caalamka.

War Saxaafadeedka ayaa dhanka kale lagu sheegay in xeerka gaarka ah ee 12-kii bishan soo baxay uu wax u dhimayo nabadda, amniga, iyo xasilloonida dalka iyo xitaa guud ahaan gobolka.

“Qaraarkan ayaa sidoo kale dib u dhigaya qabashada doorashooyin lagu kalsoonaan karo kuwaas oo ay sugayeen dadka Soomaaliyeed,” ayaa lagu qoray War Saxaafadeedka.

Xalka qura ee furan ayaa lagu tilmaamay hirgelinta Heshiiskii 17-kii Sebtembar, sidaa darteedna waxay beesha caalamku dhinacyada Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul-Goboleedyada ku boorrinayaan in dhaqse loogu soo laabto miiska wada xaajoodka si heshiis looga gaaro doorashooyinka.

Waxay sidoo kale ballan qaadeen inay bixinayaan tas-hiilaadka ku baxaya wada hadallada si loo sahlo dhicitaanka wada hadallo loo dhan yahay oo ku dhaca jawi togan oo ku fadhiya Heshiiskii 17-kii Sebtembar.

Hadalsame Media